eedaysay inay taageerto Koonfurta Soomaaliya

Thursday 7 March 20130 comments


Hadalo kasoo baxay Qaar kamid ah Wasiirada Maamulka Soomaaliland ayaa si weyn loogu dhaliilay taageerada Beesha Caalamka si gaar u siinayaan Dowlada Federaalka iyo waliba qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami

Wasiirka Gaashaandhiga ee maamulka Soomaaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo shalay saxaafada war siiyey ayaa sheegay in Beesha Caalamka ku khadlan tahay in hubka si gaar ah looga qaado Dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana maamulada kale loo diido inay iyaguna hub lasoo degaan.
“…Maaha cadaalad in maamulka Muqdisho la yiraaho hub buu lasoo degi karaa, Somaliland iyo maamulada kalena loo diido…” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaalida Mr.Cadami.
Wasiirka ayaa intaasi ku sii daray in tilaabadan ay qeyb ka tahay qorshe soo jireen ah oo uu yiri Beesha Caalamka waxay mar walba dooneysaa inay taageero u fidiso maamulka ka jira Muqdisho, iyadoo cadaadis saareysa maamulada kale sida Somaliland.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa isagoo hadalkiisa sii wata sheegay in Soomaaliland go’aankii ay gooni isutaaga ku gaartay uu yahay mid aan dib looga soo noqon doonin, isagoona sheegay inuusan jirin maamul ama qabiil xoog ku muquunin kara maamulka Soomaaliland, wuxuuna xusay dagaalkii dheeraa ee lala galay xukuumadii AUN Maxamed Siyaad Barre.
Hadalada kasoo baxay maamulka Soomaaliland ayaa qeyb ka ahaa baaqyo looga soo horjeeda qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxaa sidan oo kale uga soo horjeestay tilaabadan maamulka Puntland iyo hay’ada Amnetsy International oo baaq todobaadkan kasoo saaray go’aanka Golaha Amaanka kasoo baxay.
Inkastoo ay dhawaaqyadan kasoo baxaya maamulada Somaliland iyo Puntland sii xoogeysteen todobaadkii lasoo dhaafay, hadana qorshaha qaadista cunaqabateynta hubka ayaa ahaa mid soo socday muddo ka badan 4 sano, waxaana horey u waday Dowladihii Federaalka ee Kumeel gaarka ah.
Qorshahan qaadista cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya ayaa waxa labadii sano ee lasoo dhaafay si weyn ugu ololeenayey Midowga Afrika oo dhanka nabad illaalinta gacanta kasiiya dowlada Federaalka Soomaaliya.
Golaha Midowga Afrika ayaa horey looga ansixiyey qorshaha qaadista cunaqabteynta Soomaaliya ee dhanka hubka, waxaana horey Midowga Afrika ugu gudbiyey Wadamada xubnaha joogta ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, arrintan oo soo dadajisay in Wadamada awooda kuleh golaha amaanka sida Maraykanka iyo Ingiriiska ay si weyn u taageeraan talooyinka uga yimid Midowga Afrika.
Dowlada Federaalka Soomaaliya oo xiligan ka baxday kumeelgaarnimada ayaa noqoneysa dowladii ugu horeysay ee Soomaaliya oo fursad u hesha in taageero militari lagu siiyo dhismaha ciidamada iyo waliba keenista hubka iyo qalabka militari ee la doonayo in dib loogu soo nooleeyo xoogii militari ee Dowlada Soomaaliya.

















______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved