Labo Wiil Soomaali ah oo ku geeriyooday Shil gaari Gobol ku yaal Mareykanka

Thursday 7 March 20130 comments

Labo Wiil oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Gobol ku yaal dalka Mareykanka, kadib markii gaari xamuul ah oo ay kaxeynayeen uu qabow dartii uu shil la galay.


Wararka laga helayo Gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in labada wiil gaarigii ay kaxeynayeen uu kula dhacay Wabiga Red Cedar, xilli subaxnimadii Talaadada uu qabow daran dhacayay, hawaduna ceeryaamo aheyn.



Gaariga ayaa la sheegay in saqafka sare uu ku dhacay Buundada kore, waxaana kadib uu ku dhacay wabiga, iyadoo meydkooda la helay maalinimadii arbacada ee shalay.
Labadan wiil ayaa lagu kala magacaabaa Badrudiin Cali Siyaad iyo Maxamed Dhabarey, waxaana mid ka mid ah uu lahaa xaas iyo caruu.
Maxamed Dhabarey ayaa la sheegay in la aasay, halka Badrudiin maanta la aasi doono, sida uu xaqiijiyay nin xigto la ahaa ragan geeriyooday.
Lama shaacin Shirkada ay u shaqeynayeen, sidoo kale wali wax war rasmi ah kama soo bixin Gobolka Wisconsin ee uu shilka ka dhacay.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved