Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka hadley isbedelka dhaqaalaha ee ku yimid suuqada Soomaaliya

Thursday 7 March 20130 comments


Waxaa si habsami leh u socda kalfadhigii labaad ee Golaha Wakiilada Federaaliga ah ee Soomaaliya, waxaana fadhigii maanta soo xaadirey 142 Xildhibaan oo ka mid ah 275 Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Baarlamaanku, waxaana shir guddoominayey guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Federaaliga ah Mahad Cabdalla Cawad.
Qodobada maanta xildhibaanada ka hadleen waxaa ka mid ahaa waxyaabo ka dhimanaa xeer hoosaadka oo horey loo ansixiyey, taas oo xildhibaanada qaar sheegeen in qaladaad ku jiro, qodobo iska hor imaanayana u baahan tahay in dib u eegis iyo ka doodid lagu sameeyo, Xildhibaanada ayaa sidoo kale ka doodey sare u kaca sicirka lagu sarifo lacagta Dollarka Maraykanka iyo weliba qiimaha maciishada daruuriga ah oo iyaduna kor u kacdey taas oo ah mid aan is waafaqsaneyn.
Xildhibaan Xassan Abshir ayaa sheegay in dhaqaalaha dalku sii xumaanayo kadib markii lacagta Soomaaliga qiimaheedu adkaadey Dollarkuna hoos u dhacay, cunooyinka daruuriga ahna ay kor u kaceen, waxaana uu sheegay in Baarlamaanku u yeeri doono Raysalwasaaraha iyo wasiirkiisa Maaliyadda si ay jawaab uga bixiyaan arintan.
Dhanka kale fadhigii maanta ayaa Shir guddoonku ugu baaqey Xildhibaanada ku sugan gudaha Muqdisho ee aan ka soo qaybgelin fadhiyada in ay ka waantoobaan soona xaadiraan shrirarka Golohu lee yahay, sidoo kale Xildhibaanada fasaxii ka dhamaadey ee aan ku nsugneyn gudaha Muqdisho ayaa loogu baaqey in ay si deg-deg ah uga soo qaybgalaan fadhiyada Baarlamaanka. Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa sheegay xildhibaankii a maqnaada fadhiyada 7 kulan oo isku xiga, in Mushaharka laga jarayo isla markaana uu waayi karo Xildhibaanimadiisi, sida xeer hoosaadku qabo.
Shir-guddoonka ayaa sheegay in si deg-deg ah ay isugu yeerayaan guddiga Ganacsatada iyo hay’adaha dowladda u qaabilsan dhaqaalaha si looga wada hadlo isbedelka cunnooyinka daruuriga ah iyo qiimaha dollarka ee dhulka yaala.
Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa furmey 02 March 2013, waxaana horyaala la xisabtanka xukuumadda, dhamaystirka sharciyadda qabyada ah iyo qodobo kale oo muhim ah.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved