Maxaad samayn lahayd hadii fariintaan foosha xun ay kaaga timaado Takhtarkaaga gaarka ah (GP Surgery)

Saturday 16 March 20130 comments


Mid kamid ah takhaatiirta ka hawlgala wadanka Britain oo goobta uu ka hawlgalo ay ugu rakibnayd kaamaro qarsoon si uu u duubo haweenka bukaanka ah ee goobtiisa caafimaad imaanaya ayaa waxaa soo wajahay xabsi kagadaal markii lagu helay danbiyo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen in uu siyaabo dhaqan xumo ah uu ula macamili jiray bukaanka dumarka ah ee uu daawaynayo. 

Dr Davinderjit Bains, oo ah 45 sano jir ah ayaa xilkiisa dhakhtarnimo ee lagu aaminay waxaa uu dadbadan oo bukaan ah ugu gaystay arrimo ay kamid yihiin faraxumayn, Qishid dumarka u imaanaya jirkooda iyo weydiinta su alo qoto dheer oo uu doonayo in uu waxbadan ku ogaado taasi oo la xiriirta arrimaha sirta ah ee dhinaca raaxaysiga, isagoo wax yaabahaasi oo dhana u duubaya qaab sir ah oo aanay shakhsiyaadka uu ku samaynayo ka warhaynin. 

Waxaa uu xaafiiska ku haystaa kaamaro qiimaheeda lagu qiyaasay wax ka yar 60 Pound oo uu ugu talo galay in uu si sir ah ugu duubto falalka foosha xun ee uu dumarka bukaanka ugu imaanayo ku sameeyo, waxaana markii la geeyay maxkamada ee su aalaha la waydiinayay uu sheegay ama uu qirtay arrimo badan oo uu sameeyay. Baarayaasha kiiska ninkaan dhakhtarka ah eek a soo baxay Jaamacada Mangalore, sanadii 1993 dii islamarkaana loo qaatay 2007 Dr GP ayaa waxaa ay ku sifeeyeen dhakhtar Horor ah ( Horor Galmood) islamarkaana sib a an u jabiyay sharcigii aaminaada dhakhtarnimo. 

Maxkamada Swindon Crown Court eek u taala qaybta England ayaa sheegtay in kiisaska uu qirtay Dr Bains ay kabadan yihiin 30 kiis oo ay ku jiraan weerarada faraxumaynta iyo qishida dumarka iyadoo dhagaysigii kal horena uu ku qirtay 12 eedaymood oo ahaa kuwo toos ah , 11 xadgudubyo kale ah iyo 11 kale oo ah qaabka indha laraaca cawrada dumarka. 


Guud ahaan tirade danbi ee lagu soo oogay takhtarkaasi ayaa la shaaciyay in ay ahaayeen 39 , waxaana xabsiga la dhigay ka sokoow uu ku mutaystay in la hakiyay guud ahaan hawshiisii takhtarnimo. 

Waa dhakhtarkii ugu horeeyay ee lagu soo oogo eedaymo noocaan oo kale ah oo waliba u isticmaala duubis islamarkaana maxkamada horteeda ka qirta arrimahaasi oo dhan , waxayna tani baaritaan hor leh ku keeni kartaa gabi ahaan takhaatiirta ka hawlgasha goobaha caafimaad ee wadanka Britain sida ay qabaan aqooyahano ku baraarugay kiiska noocaan ah. 

Takhaatiirta caalamka ayaa awood u leh in ay siyaabo kala duwan u baaraan dadka , iyagoo qofka dumarka ahina ay isku aaminto maadaama ay ugu tagaysaan jirro ay u baahan tahay in ay ka caafimaado islamarkaana ogaato nooca jirada haysa.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved