Hooyo Soomaliyeed oo Gurigeedii Ku weysay Balwad ay Ka Dhigatay……

Saturday 16 March 20130 comments


Sheekadaan waxay ka dhacday magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia waxaana ay timid markii mid ka mid ah sheekooyinka musasalaadka ee Tv-yada Afka somaliga ku hadla ay baahiyaan ay iyadu ku tixneyd.


Haweyney magaceeda lagu soo gaabiyey Nasro ayaa waxay lahayd wiil iyo gabar waxaana ay udhaxday nin lagu magacaabo Farxaan hayeeshee maxaa dhacay guri farxad lagu dhisay ubadna yimid kadib?


Nasro waxay aad ula socon jirtay mid ka mid ah Musasalka ay baahiso Tv-ga Horn Caple waxaana uu soo gala musasalkaasi abaare 9:30 fiidnimo waqtiga muqdisho iyadoo habeen walbo daawan jirtay.

Nasro meeshii ay gurigeeda dhaqan lahayd wax walbo waxaa uga wanaagsanaaday daawashada film musasalka ah iyadoo aan meel ku sheegin ka war qabka inuu casheeyey seygeeda Farxaan iyo in kale.

Nasro dhawr habeen iyadoo guriga quful kor kaga xirtay ayaa waxa yimid ninkeeda Farxaan isagoo aad uga carooday arinkaasi sabar badan kadib ayuu habeen isagoo jooga waxay ku tiri ninkeygoow cunuga sii ogow musasalkii ayaa soo galaye.

Farxaan ayaa u’aamusay oo markii ay soo dhameysatay Nasro musasalka waxa uu uyeeray xaaskiisii kuna yiri inad daawato musasalka miyaa kuu soo guursaday markaas bay tiri wax walbo oo la sameeyo ma dhaafayo filmkaasi.

Ninkii farxaan ahaa ayaa ku yiri oo hadaadan iska dhaafi Karin oo ilmaha aad iga dayacday fasax ayaa tahay (waa la furay) iyadoo aad uga xumaatay arintaasi Nasro hadana waxay ku weyday gurigeedii dhisnaa daawashada musasalka ay aadi jirtay.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved