Lammaane geesiyaal ah oo meel banaan ah la lugeeya libaaxyo (Daawo sawirada)

Saturday 16 March 20130 comments


Labo ruux oo lagu kala magacaabo Adalberto Mangini oo 51 sano jir ah iyo Laura Bongiorni oo 50 sano jir ah ayaa waxa ay meel banaan kula lugeeyeen isla markaana la ciyaareen qaar kamid ah xayawanaada qaarada Afrika ugu halista badan.
Libaaxyadan ayaa waxa ay ku xareysnaayeen xarunta loo yaqaa Mukini Big 5 Centre ee dalka Zambia
Iyadoo ay dhici karta cabsi daqiiqad walba laga filan karo xayawaanada ayaa labadan ruux waxa ay san jixinjix ka samayn xayawaanada.
Adalberto oo ah ganacsade ka soo jeeda magaalada Milan ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay: ‘Xayawaanada laga aaminsan yahay inay yihiin kuwo ugu halista badan waa loo dhowaan karaa haddii si sax ah loogu dhowaado.
‘Ha muujin wax cabsi ah waa ay dareemi karaan, hubi inaad qadarin u hayso, ka taabo halka saxda ah lana hadal mar walba. Si dhaqso ah ayay u garan doonaan codkaaga.
Mr Mangini ayaa sii raaciyay: ‘Laakiin marka waa inaad isha ku haysaa marna dib ha uga laaban. Mar walba waa inaad taxadar ahaataa oo aad degenaataa isla markaana aadan samayn dhaqdhaqaaq xoogan.’.










______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved