DAAWO SAWIRADA: Hooyo iibin lahayd Caruurrteeda si ay Saaxiibkeeda xiran u soo dayso

Sunday 17 March 20130 comments

Haweeney u dhalatay Dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Misty VanHorn ayaa la xiray, kadib markii Boliska lagu soo wargaliyay inay Haweeneydaasi isku dayeysay inay iibiso Caruurteeda.


Misty VanHorn oo 22-Jir ah ayaa la sheegay inay nin aan magaciisa la sheegin oo ay isku barteen Aalladda Facebook inay kula heshiisay inuu laba Caruur ah oo ay dhashay kaga iibsado $5,000 oo Dollar.

Heshiiskaas ayaa waxa uu dhigaayay in mid ka mid ah Caruurteeda oo 10-bilood Jir ah looga iibsado $1,000-Dollar iyo in midka kale oo laba jir ah looga iibsado $4,000-Dollar

Boliska ayaa sheegay in haweeneydaasi oo deggan Deegaanka Sallisaw ee Magaaladda Oklahoma City ay dooneysay inay iska iibiso Laba Caruur ay dhashay, si ay lacagtaasi ugu  adeegsato damiin lagu soo daayo Nin ay Saaxiibo yihiin oo ku xiran Xabsiga.

Ninkii iibsan lahaa Caruurtaasi oo Magaciisa la qariyay, Balse deggan Arkansas ayaa waxa uu Arrintaas ku wargaliyay Waaxda Adeega Aadanaha ee Oklahoma, oo iyagana ku wargaliyay Booliska Sallisaw qorshaha Naagtaasi ku iibineyso Caruurteeda.

Saraakiil ka tirsan Boliska ayaa gaaray goobtii Haweeneydaas ay kula balantay Ninkii ay ka iibin lahayd Labadeeda Caruur, waxayna Boliska Haweeneydaas ku xireen Xabsiga Sequoyah County Jail.

Sidoo kale Booliska waxay labadii Caruur ee la iibin lahaa ku wareejiyeen Xarun lagu xanaaneeyo Caruurta.

Mid ka mid ah dadkii deriska la ahaa Haweeneyda la xiray ayaa sheegay inay Haweeneydaasi dooneysay Lacag ay ku soo damiinato Saaxiibkeeda Xiran.

”Waxay tageysay Albaab ka Albaab, halkan ilaa laga gudbo wadada, iyadoo qof kasta weydiisaneysay Lacag ay ku soo deyso Saaxiibkeeda xiran” ayuu yiri Tony Mosby oo deris la ahaa Haweeneydaasi Caruurteeda xaraashi lahayd.


_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved