Daawo Sawirada ‘Aabe Soomaaliyeed oo Dacwad kusoo oogay Dowlada Britin kuna eedeeyay in ee ka dambeeyeen Dilka Wiilkiisa

Saturday 16 March 20130 comments


Waalidiin Soomaaliyeed oo ku nool wadanka Ingiriiska wiil ay dhaleena ay diyaaradaha meelahas fog fog laga hayo ay Soomaaliya kudileen sanadkii hore ayaa ku eedeeyay dawlada Ingiriiska inay si xun ul dhaqantay wiilkooda.


Aabaha dhalay Max’ed Saakir oo bishii February, ee sanadkii hore ku geeriyooday meel ka mid ah Soomaaliya kadib duqeymo ay diyaaradaha Maraykanku ka geysteen ayaa sheegay in dawlada Ingiriiska ay sabab u aheyd geerida wiilkiisa.

Aabahaan oo Saaakir la yiraahdo oo la hadlay warbaahinta Ingiriiska ayaa waxaa uu sheegay in xafiiska amniga gudaha Ingiriiska uu ka helay warqad cadeynaysay in wiilkiisa lagala laabtay dhalashada Ingiriiska kadibna uu maqlay in wiilkiisu uu Soomaaliya ku geeriyooday.



“Markaani waa markii ay noogu adkeyd nolosheenu waligeenba” ayuu yiri aabahaan oo murugoonayay waxaana uu inta raaciyay inuusan marnaba joojin doonin eedeynta xukuumada London.

Wargeysyada kasoo baxa wadanka Ingiriiska ayaa maanta si weyn u hadal haya waraysiga uu bixiyay aabahaan Soomaaliyeed oo sheegay in dawlada Ingiriisku ka been sheegtay wiilkiissa kuna eedeysay inuu haystay baasaboorada dalalka Ingiriiska iyo Masar.

Aabahaan sidoo kale waxaa uu tilmaamay in waxa dhacay aysan aheyn wax uu ka filayay dawlada Ingiriiska oo kale ah waxaana uu hadalkisa ku yiri “ Waligay dawlada Ingiriiska ma cafin doono.



Sidoo kale Max’ed Hooyadiis oo Imaan la yiraahdo ayaa iyana sheegtay inay aad uga naxday markii ay maqashay in wiilkeeda oo dhintay dhalashadii laga laabtay wxaana ay beenisay inuu haysta baasaboor kale oo uu London ku dhashay kuna bar baaray.

“Aad baan naxay runtii dawladuna waxay ku dhaliilantahay xattaa xaqiisii umaysan doodin” ayay tiri hooyo Imaan waxaana ay intaa ku dartay inay ka cabsi qabaan in caruurtooda kale ay ku dhacdo wixii wiilkooda Max’ed qabsaday oo kale macnaha in baasaboorada lagala laabto.

Waalidiintu waxay sheegeen in wiilkoodu uu sanadkii 2007 uu tagay dalka Sacuudiga si uu soo guto waajibaadka xajka kadibna uu tagay magaalada Dubai dibna uu London ugu laabtay.

Bayaan kasoo baxay dawlada Ingiriiska 27, bishii February ee sanadkaan ayaa waxaa lagu sheegay in dhalashada laga laabtay max’ed oo bishii February ee sanadkii hore ku geeriyooday duqeyn Soomaaliya ka dhacday waxaana la aaminsan yahay inuu saaxiib hoose la ahaa Bilaal Al-Barjaawi oo Al-Qacida ka tirsanaa mudana uu la shaqeynayay.

Warbixino kale oo la helay ayaa muujinaya in Max’ed iyo Bilaal Al-barjaawe ay sanadkii 2009 tageen wadanka Kenya oo waliba lagu xiray wixii xilligaas ka dambeeyayna hay’adaha amaanka dalkaasi indho gooni ah ayay ku hayeen Max’ed.

Soomaali badan oo ku nool qurbaha ayaa dhibaato adag ku qaba hay’adaha amaanka wadamada ay joogaan kadib markii looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Qacida iyo Xarakada Al-Shabab ee Soomaaliya ka dagaalanta.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved