Mareykanka oo u Diyaar Garoobaya Qatar ka soo Wajahda K/waqooyi

Saturday 16 March 20130 comments


Xoghayaha difaaca ee Mareykanka Chuck Hagel ayaa ku dhawaaqay qorshooyin looga hortagayo qatar military oo sii kordheysa oo ka imaneysa Kuuriyada Waqooyi, waxaana qeyb ka ah qorshaha in la geeyo ilaa 14 gantaal oo kuwa dhulka lagu rakibo oo gantaalaha kale ka hortaga ah oo dheeri, gobolka Aleska ee dalkan Mareykanka.

Hagel, oo ka hadlayay jimcihii shalay magaaladan Washington ayaa sheegay in qorshaha ay ku jiraan sidoo kale – radar cusub oo la shaqeynaya saldhig ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalka Japan- waxuuna sheegay in qorshan uu yahay mid loogu talagalay in looga gaashaanto qatar farsamada casriga ah ee gantaalaha xukumadda Kuuriyada Waqooyi.

Waxa uu sheegay in Mareykanka uu horey u geeyay ilaa iyo 30 gantaalaha gantaalaha kale hawada kaga hortaga ah gobolada California iyo Alaska, waxuuna sheegay in gantaalahan cusub ay shaqo bilaabi doonaan sanadka 2017.

Xukumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku hanjabtay inuu dhacayo dagaalkii labaad ee gacanka kuuriya iyadoo la adeegsanayo Nukliyeer, hadalkaas oo ay kaga jawaabeysay cunaqabateyno ay qaramada midoobay saarto kaga jawaabeysa cunaqabateyntii qaramada midoobay ay ku giijisay Kuuriyada Waqooyi Go’aan ka soo baxay 7dii bishan March.

Gelinkii hore ee Jimcihii shalayna Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Milatariga Kuuriyada Waqooyi ay ku tijaabiyeen laba gantaal oo kuwa ridada gaaban ah biyaha Japan meel ku dhow xadka Kuuriyada Koonfureed.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved