Lammaanaha Gabadha Soomaalida Iman iyo David Bowie oo ka hadlay Jacaylkooda

Friday 15 March 20130 comments


Iman oo ah Gabadha keliya ee Soomaalida ee ku caanka baxday Xayeysiinta Labiska Dumarka (Somali Model) ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay Jacaylka gaamuray ee iyada iyo Seygeeda David Bowie.

Lamaanaham oo is-guursaday 20-sanno ka hor ayaa waxa ay isku dhaleen gabar lagu magacaabo Alexandria Zahra Jones oo 12-Jir ah.

David Bowie oo ah Xiddig iyo Heesaa ku caan baxay Ciyaarta Qoob-ka-Ciyaarka  (the rock star), ayaa la dhacsan Nolosha Xaaskiisa.

Sidoo kale Iman ayaa sheegtay in Jaceylka labadooda ka dhexeeyo uu yahya mid yaab leh.

”Sirta si uu guurkada u noqdo mid farxadeed waa inuu midba midka kale waqti kasto lahadlo” ayey tiri, waxa ayna intaa ku dartay in loo baahanyahay in Lamaanayaasha ku raaxeystaan wadajirkooda.

Iman oo haatan 57-Jir waxay bilowday shaqada xayeersiinta Dharka (Modelling career) iyadoo 18-jir ah.

Iyadoo wareysi siineysa Wargeyska Grazia magazina ayey tilmaamtay inaysan gabadheeda u ogolaaneynin inay ku biirto dumarka xayeysiiya labiska (Fashion).

”Aniga waxaan doonayaa inay Gabadheyda aado dugsiga oo ay marka hore waxbarashada dhameysato” ayey tiri Iman iyadoo ka jawaabeysa Su’aal ahayd haddii ay gabadheeda u ogolaaneyso inay iyadoo kale noqoto qof dharka xayeeysiiyo.

Iman waxay kaloo wareysigeeda ku faahfaahisay inay iyada muuqaal ahaan u eg tahay Aabeheeda oo da’da 80-ka ku jira, waxayna sheegtay inuu aabaheeda u muuqda sidii qof da’da 50-ka ku jiro.

Mar wax laga weydiiyay quruxdeeda waxay ku kaftantay (waxan mar kastaba daryeela Jirkeyga, tan iyo Toban jirkeyga).

Xigasho:- TV3 Live  


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved