Ma Doonaysaa Inanyahay In Dalabkaada Daqiiqad Gudaheeda Kugu Sameeyo Ninkaada? Hadey Jawaaabtu Haa, Tahay Sidaan Sameey ......

Sunday 3 March 20130 comments

Waxaad ogaataa marka hore in ninkaada codsiyaadada uu kugu fulinayo si degan oo aan laheyn dood iyo is qab qabsi , mararka qaar ninku ma jeclo haweeneyda dalabaadka badan.

Hadaba shabakada arimaha qoyska Hablaha.com ayaa ku siineysa talooyin uu ninkaada si deg deg ah uu uga jawaabayo dalabaadyadaada .

1- waa in aad doorataa waqtiga munaasibka ku ah in aad wax weydiisato.

2- waa in dalabaadyadaada ahaan kuwo aan macquul ah oo ninkaada uu ka naxayo oo kedis ku noqonaya .

3- waa in aad la socotaa miisaaniyada ninkaada oo aad eegataa in uu awoodi karo waxa aad weydiisaneyso.

4-  hadii dhanka shaqada uu dhib ka haysto waxa uu noqonaya mid wel welsan ee dib u dhigo dalabaadkaada oo ogaaw in uu bahaan yahay naxariistada iyo in aad is bar bartaagtid .




5-  ka digtoonaaw hab dhaqanka ka faa`ideysiga haddii ninkaada uu dareemo in aad ka faa`ideysaneyso fal celiskiisa dhankaada aad ayuu u yaraanayaa .


6- hakula doodin dalab caruurta hortoooda am qof kale .


7- Waligaa habkaan ha sameyn ee ah in aad is xanaajiso ama ilin iska keento si uu dalabkaada u hesho , waana midda ugu daran ee ay ragga neceb yihiin .


8- In aad caruurta ka dhigan gaashaan oo halkii adiga wax ka daban laheyd in iyaga aad adeegsato oo ku hoos gambato .


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved