Walee Raggu Kaama Maagtaan Waa Haddii Aad Tilmaamahaan Leedahay!!!

Sunday 3 March 20130 comments

Shabakada arimaha qoyska Hanlaha.com oo aad uga barateen talooyinka ku aadan dhanka qoyska ayaa haatan idin haysa talo ku aadan 4- arin oo ragga ay ku jecel yihin in ay ka helaan haweenka .
1- Caqliga : ninku aad ayuu uga helaa haweeneyda caqliga badan ee fogaan aragga ah , ogaaw ragga qurux kaliya kama eegaan haweenka ee waxa mudnaan u ah dhanka aragtideeda 



Ogaaw gabaryaheey haddii aad tahay mid dhoola cadeyn badan leh waxaad direysaa fariin aan toos aheyn oo ku jeedda ragga taasi oo sheegeysa in aad tahay haweeney awooda in ay is hortaagto u adkeysato dhibaatooyinka nolosha waayo dhoola cadeynta muragada ayay baabi`isaa .


2-Dhoolacadeynta Joogtada Ah : ma jiro wax kaa dhiga kara mid ifeysaa illaa dhoola cadeynta qurxoon mooye ee saaran bishimahaada , ogaaw ninku waxa uu jecel yahay haweeneyda dhoola cadeynta leh waa uuna ka cararaa midda waji macbuuska ah .




3-Midda Aqlaadqda Wanaagsan : ma jirto haweeney ka wanaagsan midda aqlaaqda sare leh iyo sumcadda wanaagsan ogaaw gabaryaheey aqlaaqdaada waxa ay kaa dhigeysaa sida ubaxa ee soo daaya udgoonka ee qof waliba uu sanka la raacayo
4-  Midda Isku Kalsoon :haweeneyda isku kalsoon waxa ay dhamaan dadka hareeraheeda jooga ka dhigeysaa kuwo ixtiraam u haya isla markaana jecel , waxa ayna muujineysa in dhamaan ay qaadi karto mas`uuliyad waliba .



Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved