Kaftan Jaceyl : Oh Oh Oh Miyaysan Ogeyn In Aan Jaceyl Isku Guursanay Oo Aysan Jirin…

Tuesday 12 March 20130 comments


Xadiga Jaceylka aan u qabo Xaaskeyga Maaha wax Qorma Lagu soo Koobi karo ayuu isaga oo isla Hadlaya xasan hadalkiisa ku Bilaabay…..

Waan ogahay Dhalinta aan Garaadkoodu sareyn ee Gidaarada Xanta La Fadhisa in Maalin Walba Marka an Xaaskeyga Suuqa Kala Soo adeegayo ay Xam Xam Hoose isku Yiraahdaan, Kan Ma Dhiman Baa, Ma Maserowbaa, Mise Hal Joog Girileyda ayuu Ka Baqaya In 2-0 Har Cad Loogala Wareego.

oh, oh, oh, Miyeeysan Ogeyn inaan Jaceyl isku Guursaney oo aysan Jirin Cid Nagu Kala Dili Karta Maal, Maskax iyo Muruqba.

Waan Ka Dharagsanahay in dhalinta Darbi Fadhiska Ah ay Kala Dileen lamaanayaal Badan oo xiriir Jaceyl ka Dhexeyay, Waxaanan Maqli jiray ayada oo La Leeyahay Sedexeyasha saaqidnimada Darbiyda La Fadhiya halaga Gaashaanto Waa sunta Jaceylka, sibirna waa ka Qaraar yihiin Sixirna waa Ka Daran yihiin, subixi la,arkana seedeha halaga jara oo silic haloo dilo ilaa waa sunta Caashaqee.

Laakin aniga Waxaan Go,an saday inaan xaafada isaga guuro, hayeeshee Xaafadii Kale ee aan u Guuray Waa Sidoyoo Kale, Waxaan is Weydiiyay Maxaa Dadka Wada Simay mise Soomalidaba Ka Daba Shaqeynta Qoysaska Waa isaga Mid, waxaanse aniga sedexeyayshaas Kaga Bad Baadaa Jaceylka ay ii Qabto Xaaskeyga ee adiga ma ila Qabtaa Dhibkaas.

Lasoco qeybaha Kale oo Xiisa leh. insha alaah




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved