24-Jir ah oo noqotay gabadha dunida ugu timaha dheer balse yaa cawiya….

Tuesday 12 March 20130 comments

Gashaanti u dhalatay dalka Shiinaha ayaa noqotay qofka ama gabadha ugu timaha dheer dunida, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay shabakada wararka ee NBC-News, waxaanay gabadhan gashaantida ah oo aan timaheeda xiirin muddo dhawr iyo toban sanadood ah, ka dheeraadeen inta dherarkeedu yahay.



Gabadhan yar oo aanay shabakadu sheegin magaceeda waxay cadaysay in timaheeda aan waligood wax makiinad ah la taabsiin, isla markaana aanay marin dawooyinka iyo waxyaabaha kimikalka ah, si dabiici ahna ay ugu baxeen sida ay shabakadu tilmaantay.


Dherarka timaha gabadhan ayaa gaadhaya in lix feet halka dherarkooda balaadh ahaan uu ka noqonayo shan feet, waxaanay noqonaysaa, sida la sheegay qofka ugu yar ee ugu timaha dheer haweenka dunida, wallow aanay ahayn tani mid si kama danbays ah loo cadeeyay ama dunida oo dhan looga qaaday, balse waxa lagu tilmaami kara gabadha kaliya ee la og yahay in dherarka timaheedu intaa gaadhsiisan yihiin.


Gabadhan yar ayaa aad u amaantay timaheeda dheer, waxaanay xustay inay dareento kalsooni badan iyo qurux dheeraad ah, waxa ay tilmaantay in hablo badan oo timahooda Hafroo ka dhigtay ay mar walba la soo xidhiidhaan iyaga oo u muujinaya sida ay u jeclaan lahaayeen in timahoodu sideeda oo kale ugu dheeraadaan.


Timaha dheer ayaa qayb ka ah quruxda haweenka waxaanay inta badan ka mid yihiin, waxyaabaha lagu amaano dumarka, gaar ahaan dadka Somaliland ku dhaqan oo suugaantooda ay aad ugu badan tahay amaanta haweenka iyo quruxdooda oo timuhuna ka mid yihiin waxyaabaha lagu jeclaado hablaha.


Dhinaca kale dadka ka shaqeeya caafimaadka aadamaha ayaa tilmaamay in haweenka timaha dheeri u fiican yihiin, caafimaadkooda isla markaana ay ka yareeyaan gabowga deg deg ah, halka ragana la sheegay in gadhka oo ay la baxaan ka yarayso gabowga deg deg ah ee wakhtiyadan danbe dunida aadka ugu soo badanaya oo la sheegay in xiirashada badani sabab u tahay.
____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved