Ila Tali: Waxaan rabaa furiin, sabtoo ah sidii hore ma ii jeclo, naago kale ayuuna raadsadaa

Tuesday 12 March 20130 comments

Waxaan ahay marwo la qabo ku dhawaad muddo 1 sanad ah

run ahaantii markii aan guursanayay seygeyga ma aheyn
dareen rasmi ah iyo jaceyl aniga iga soo go’ay
balse waxaan ku raacay waalidkey oo igula taliyay awgeed.

Waxaan u guri galay nin aanan dabcigiisa iyo dhaqankiisa waxba kala socon
waxaana isku dayay inaan nolol cusub oo farxad leh taasoo aan dhamaan la bilaabo
bilooyinkii hore sida reer walboo isku cusub caadada u ahba
waxa uu ii muujiyay xanaano iyo xiiso gooni ah.

Balse mudo haatan la joogo 4 bilood, ninkii wuxuu lasoo baxay
dabeecad aad u xanuun badan oo qof kastoo dumar ah
aysan u dulqaadan karin isla markaana qalbigeeda dhaawacaya.

Dhibka jira ayaana ah in uusan sidii hore ii daneyneyn wax xanaano
iyo kal gacal ahna uusan ii muujineyn,
balse hadii aan taas u dulqaadan lahaa, waxaaba kasii daran
oo waran wadnaha iiga taagan igu noqday markii aan dhowr jeer la kulmay
isagoo naago dhowr ah la sheekeysanaya si qarsooodi ah,
Mararka qaar telka uu la dhuunto iyo sidoo kale Facebook-giisa
oo aan wax badan kasoo ogaaday ayaa ii cadeynaya in uu xiriir kale
si hoose u maleegayo, taasina waxey igu dhalisay in dulqaadku iga guuro.

Haatan waxaan rabaa inaan furiin dalbado, maxaa yeelay marnaba kuma qanacsani
noloshaan iyo ciriirigaan uu i geliyay, iyo sidoo kale walbahaarka iga heysta
in uu naag kale iga dulkeeno.

Balse sidoo kale kuma dhiiran karo in aan i fur dhaho nin waalidkey igu dareen.
Fadlan taladiina igu caawiya, waxaan dareemayaa dhib iyo walbahaar.
Maxaan sameeeyaa?
Halkeen talo kaga hagaagaa?
Fadlan wixii talo iyo tusaale ah usoo mari qeybta hoose ee comment Box-ka….!

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved