Baarka ugu wanaagsan Caalamka oo Albaabada loo laabay

Tuesday 12 March 20130 comments


Baarka ugu wanaagsan Caalamka ee lagu magacaabo (Noma Restaurant) oo ku yaala Caasimadda Dalka Denmark ee Copenhagen ayaa albaabada loo laabay, kadib markii in ka badan 60 qof ay ku xanuunsadeen Qado ay ka cuneen Baarkas.

Hay’adda maamusha Caafimaadka ee Dalkaas ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo waxa sababay inay macaamishaasi ku xanuunsadaan Cuntadaas.

Si rasmi uma cadda waxa sababay infegshinka laga qaaday Cuntada Baarkaas, balse warar ayaa waxay sheegayan inay suurtagal tahay inuu mid ka mid ah Cunta-kariyaasha baarkaas Masuul ka yahay Arrintaasi.

Afhayeenka Hay’adda maamusha Cuntada, Morten Lisby ayaa ku tilmaamay inay masiibo tahay Cuntada ay ku xanuunsadeen macaamiishaasi oo iyagu uu ku dhacay matag iyo shuban.

Maamulaha Baarkaas oo lagu magacaabo, Peter Kreiner ayaa raali galin ka baxshay dhacdadaas, wuxuuna sheegay inuu Saraakiisha kala shaqeynaayo si loo ogaado waxa sababay xanuunka ay macaamiisha ka qaaden cuntada ay ka cuneen Baarka mudadii u dhexeysay Bishan 12 ilaa 16-dii.

Si kastaba ha ahaatee, Noma Restaurant oo la fueay sanadkii 2004 ayaa ah Baarka ugu caansan caalamka, iyadoo qofkii cuna hal qado uu bixinayo lacag dhan 1,500 Krone oo u dhiganta 1.75 Pound.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved