K/Afrika: Booliiska oo Nin Gaari ku Jiiday

Friday 1 March 20130 comments


Booliiska Koofur Afrika ayaa shaqada ka joojiyey sideed ka tirsan ciidanka booliiska oo lagu eedeeyey inay lug ku lahaayeen dhimashada nin lagu daba xiray gaari booliis oo wadooyinka lagu jiiday.

Taliyaha ciidanka booliiska Riah Phiyega ayaa sheegay Jimcahan maanta in xilka laga qaaday taliyihii heystay qeybtii ay ka tirsanaayeen sideedda askari, iyadoo baaritaanka kiiskuna uu socdo.

Muuqaal Video ah oo dhacdada laga soo duubay ayaa muujinaya, in nin lagu magacaabo Mido Macia oo u dhashay wadanka Mozambique da’diisuna tahay 27 jir oo taxi wadde ah, isagoo gacnaha ka xiran lagu daba xiray gaari booliisku ay leeyihiin oo wadooyinka ku jiidaya.

Video-ga oo uu qaaday qof goob jooge ah ayaa muujinaya dadweyne ka codsanaya booliiska, inay joojiyaan gaariga, laakiinse uu gaarigu iska sii socday. Taxi wadaha ayaa markii danbe geeriyooday.

Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma, ayaa cambaareeyey dhimashada Macia, isagoo muuqaalka dhacdadan ku tilmaamay wax laga argagaxo oo aan la aqbali Karin.

Warbaahinta ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan booliiska ay Macia Talaadadii ku joojiyeen, meel ku taalla bariga magaalada Johannesburg, ka dib markii lagu eedeeyey inuu istaagay wadada dhexdeeda uuna xanibay socodka baabuurta. Booliiska ayaa sheegay inuu la dagaalamay markii ay u sheegeen inuu wadada baneeyo.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Madaxa-banaan ee Danbibaarista Booliiska ee Koofur Afrika Moses Dlamini, ayaa sheegay in masuuliyiintu ay eegayaan waxa keenay geerida Macia.

Dlamini ayaa sheegay in warbixinta askartu ay keeneen saldhiga booliiska aaney ku xusin in Macia la jiiday

Muuqaalka muujinaya Macia oo wadooyinka lagu jiidayo ayaa waxaa lagu baahiyey wargayska The Daily Sun ee ka soo baxa wadanka Koofur Afirka.



_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved