Hablayahow In Aad Santaaga Meel Iska Dhigtaan, Barta Qaabka Nimankiina Aad Ugu Cudur Daaraneysaan.

Friday 1 March 20130 comments

Ceeb ma ah in uu qalad ka dhaco balse waxaa muhiim in durba ninkaada u gudbisay cudur daarkaada ku aadan , waxa ayna shabakada Hablaha.com ku siineysaa sedex talo oo aad muhiim u ah .
  • Haka Laba-labeyn : hadaad Fahanto in uu qalad kaa dhacay , sharaftaada in aad meel dhigato u cudur daaro ninkaada ogaaw kullamaa ay kaa dib dhacdo cudur daarashada xaaladda ayay sii cakirineysaa .


Khubarada Hablaha.com ayaa ku talinaya in marka qaladka uu ka dhaco in durba aad sameysay qirasho iyo cudur daar waayo hadii uu dib u dhac yimaado waxaad baadi goob u galeysa in aad mar marsiyo u sameysid dib u dhaca cudur daarashada.
  • Ka Dalbo Hishiis Nabadeed: Hadii xaalka cakiran yahay aad ku guuleysan karin erayada wan ka xumahay iyo kuwo kale waxaa kula gudboon in aad soo fekirtid hindiso kale .

Waxa ay shabakada arimaha qoyska Hablaha kuula talineysa in hab cusub iyo goob cusub in aad u wada baxdaan oo u muuji jaceylkada iyo qaladka ka dhacay una u gudbi cudur daar , 

  • Sii Inyar oo  Waqti ah: Ha filan in arin waliba xaalkeeda ku soo noqdaan si deg deg ah ka dib cudur daarashada , adiga oo eegaya heerka uu gaarsiisan yahay dhibka aad u geysatay waxaa ogaataa in uu u baahan yahay waqti si uu u dego ,Ka Fogaaw in arintii dhacday kala sheegeysatid , ha iloowin in aad waqti siiso si sidiisii hore uu ugu soo laabto .


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved