Faah faahin ka soo baxaya Qarax ka dhacay Maqaaxi ku dhow Xeebta Liido (Daawo Sawirada)

Friday 1 March 20130 comments

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa qarax ismiidaamin oo duhurkii maanta lagu qaaday Maqaaxida Indian Ocean oo ku taala agagaarka Xeebta Liido, iyadoo qarax kale oo gaari ahaa uu ka dhacay banaan maqaaxida.

Wararka ayaa sheegaya in qasaaraha uu ahaa mid aad u kooban, waxaana ku dhintay ruuxii is qarxiyay oo ka mid ahaa dadkii maqaaxida ka cunteynayay, kaasoo dad goob joogayaal ay sheegeen inuu dhowr jeer fadhiga ka kacay oo suulida aaday.

Qofkan is qarxiyay ayaa isagoo caadi ah maqaaxida soo galay, sida saraakiisha ammaanka ay sheegeen, iyadoo ku eedeeyay Ilaalada maqaaxida feejignaan la’aan.

Qaraxa labaad oo ahaa gaariga ayaa waxaa uu ahaa midka sababay qasaaraha dhaawacyada ee soo gaaray dadka rayidka ah, waxaana ku dhaawacmay ilaa 7-ruux oo labo ay xaaladooda liidatay.

Afhayeenka Booliska ahna Taliyaha dambi baarista CID C/llaahi Xasan Bariise ayaa ku dhaliilay milkiilayaasha maqaaxida in aanay feejignaan dheeri ah laheyn, taasna ay tahay mida keeneyso qaraxyada lala beegsanayo maqaaxida.

Mr Bariise ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu muddo saacado maqaayada ku dhex meereysanayay, isla markaana ay aheyd in milkiilayaasha maqaaxida in hadii laga shakiyay inay Booliska ku soo wargeliyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen guuleed iyo saraakiil kale ayaa gaaray goobta qaraxa ay ka dhaceen, halkaasoo ammaanka aad loo adkeeyay, iyadoo Booliska ay xireen wadada gasha Liido.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya labo todobaad kadib, markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay meel Parking aheyd oo ahaa Baarka Liido, halkaasoo ah meel laga cunteeyo, xeebtana ay ku dhinac taalo.

qaraxa-galabta (1)qaraxa-galabta (2)qaraxa-galabta (3)qaraxa-galabta (4)qaraxa-galabta (5)qaraxa-galabta (6)qaraxa-galabta (7)qaraxa-galabta (8)qaraxa-galabta (9)qaraxa-galabta (10)

_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved