Dhacdo Layaab iyo Amakaag Ku Riday dadkii Maqlay oo Ka dhacday Gobolka Californai ee Dalka Maraykanka

Sunday 10 March 20130 comments


Californai(HMN) Nin kunoolaa gobalka California ee dalka Mareykanka oo xaskiisa qashay kisyar oo kamid ahna maalin waliba karsanayay ayaa waxa uu sheegay in uusan wax denbiya laheyn kadib markii ay cadaatay in uu hilibka xaaskiisa maalinba xoogaa kacunayay.

Ninkaan oo lagu magacaabo Frederick Hengl oo 68-sano jir ah ayaa waxaa arbacadii lasoo dhaafay cadaatay in uu xaaskiisa dilay bishaan November dhexdeeda kadib markii police-ka California ay ugu galeen guriga isaga oo karsanaya sedax cad oo kamid ah hilibkii xaaskiisa.

Police-ka oo raacaya tilmaama ay siiyeen deriska ninkaan oo qurunka guriga kabaxaya u adkeysan waayay ayaa waxa ay guriga ku galeen si kedis ah iyaga oo arkay hilibka u karsamnya, madaxii xaaskiisa oo firinjeer ugu keydsan iyo waliba hilib markaasi lajarjaray oo uu u diyaarsanayay in uu mar kale karsado.

Xaaskiisa oo 73-sano jir aheyd ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Anna Faris, lamana oga sababta odaygaan ku qasbtay in uu xaaskiisa qasho oo uu in mudaa cadba mar karsado.

Dadka deriska la’ah odayga xaaskiisa qashay ayaa waxa ay sheegeen in maalmihii ugu danbeeyay uu soo badanayay qurunka gurigaan kasoo baxay , taas oo sababtay in ay police-ka wacaan, waxaana kadib cadashihii in ninkaani uu haweentii u dhexday cunayay hilibkeeda qeybba maalin uu diiday in uu cadeeesto danbigiisa

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved