Yusuf Xassan oo Soomaalida Islii ka codsaday inay markale soo doortaan

Monday 25 February 20130 comments


Xildhibaanka Yusuf Xassan ee laga soo doorto magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada East-leagh ayaa waxa uu sheegay inuu markale u taagan yahay jegadaasi, isagoo taageero balaaran ka codsaday shacabka Soomaalida ah.

Yusuf Xassan ayaa sheegay inuu dadaal dheer u galay inuu u adeego shacabka ku dhaqan xaafada Soomaalida u badan tahay ee Islii, isagoo sheegay inuu sii wadi doono u doodida shacabkaasi hadii markale u doortaan xildhibaan, doorashada soo socota ee dhici doonta 4ta bisha Maarso.


Yusuf Xassan ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo inuu markale Xildhibaan noqdo, balse wuxuu sheegay in looga baahan yahay shacabka inay codkooda dhiibtaan isla markaana doortaan qof ay ku kalsoon yihiin oo wax u qaban kara.



Yusuf Xassan ayaa dhaawac kasoo gaaray weerar bambaano oo 7dii December 2012 ka dhacay masaajid ku yaal xaafada Islii xili habeenimo ah, Yusuf Xassan ayaa dhaawacaasi in muddo ah kasoo kabanayey, wuxuuna sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii loo difaaci lahaa xuquuqda shacabka Islii iyo waliba xoolahooda Ganacsi.



Hablaha Media Network 2013


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved