Shacabka Falastiin oo ka mudaharaaday xaalada maxaabiista Falastiin ee ku jira xabsiyada Israil

Monday 25 February 20130 comments


Shacabka Falastiiniyiinta ayaa bilaabay mudaharaadyo ay uga soo horjeedaan xaalada adag oo ay ku nool yihiin maxaabiista reer Falastiin ee ku xiran Xabsiyada maamulka Isra'iil.



Banaanabaxa ugu balaaran ayaa ka dhacay magaalada Hebron, halkaasi oo ay ku sugan yihiin in badan oo kamid ah ehelada maxaabiista hada cuntada ka soomaya ee ku jira xabsiyada Isra’iil.


Samiir Issawi waa maxbuus kamid ah Maxaabiista reer Falastiin ee lagu hayo xabiyada Isra’iil wuxuuna bishii Agoosto bilaabay inuu cuntada ka soomo, waxaana hada bilaabay inay cuntada ka soomaan 3000 oo kamid ah maxaabiista reer Falastiin, kuwaasi oo ka cabanaya xabsiga sharci darada ah iyo waliba falalka jirdilka ah oo loogu geysto xabsiyada Isra’iil.


Todobaadkan ayuu mid kamid ah maxaabiista oo lagu magacaabo Arafat Jaradat ahna 30 jir ku dhintay xabsiga Isra’iil, eheladiisa ayaa sheegay in la dilay, halka maamulka Isra’iil ku doodeen inuu wadnaha istaagay. Arafat Jaradat ayaa xabsiga loo dhigay kadib markii uu dhagax ku tuuray askarta Isra’iil oo tuuladiisa weerar ku qaaday.

Hablaha Media Network 2013

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved