Baasabooro badan ee leeyihiin Soomaali kunool Dalalka Yurub oo Garoonka Aadan Cadde lagu Qabtay++(Sawiro)

Sunday 24 February 20130 comments



Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay Baasaro ee leeyihiin Soomaali kunool Qaar kamid ah Dalalka Yurub kuwaa oo si sharci daro ah dad ay doonayeen in eey ugu dhoofaan Garoonka si ay iskaga dhigaan Dadkii lahaa.


Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jen Cabdulaahi Gaafow ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay garoonka Aadan Cadde ku qabteen in kabadan 50-Baasaboor oo si sharci daro ah looga soo qaaday dadkii lahaa lana doonayay in dadkale oo u muuqaal eg lagu kaxeeyo oo lagu dhoofiyo.

Jen Gaafoow ayaa sheegay in kawarheleen Qorshahan Baasaboorada Bugta ah dadka looga kaxeenayay Garoonka laguna geenayay dalal kuyaala Qaarada Yurub isagoona xusay in ee jiraan dad badan oo ku baxay Baasaboorada bugta ah balse hada ay fashiliyeen arintaasian kana hortageen.

‘’Waxaa hada Xiran Afar qof oo doonayay in lagu kaxeeyo Baasaboorada Bugta ah ,Dadka Muqalisiinta ah ee dadka lacagta ka qaata Baasabooradana yurub ka keena waa lagu daba joogaa oo Booliiska Interpol ayaan u dirnay in dadkaasi mlee kasto ee joogaan kasoo qabtaan una gudbiyeen magacyadooda ‘ayuu yiri Jen Gaafow.

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladaha laga leeyahay Baasabarada la qabtay ee wargaliyeen una sheegeen in Baasabooradan eesan aheyn kuwa lumay balse si kas ah loo soo dhiibay si dad sharci daro ah loogu kaxeeyo tilaabana ka qaataan arintaasi.

Jen Gaafow ayaa xusay in Dalalka ugu badan ee baasabooradan 50-ka ah ee qabteen ee ugu badanyihiin Dalalka Holand iyo Sweden iminkana ee wadaan baadi goob loogu jiro kuwa kale ee kujiraan Raga Muqalisiinta ah ee barnaamijkan ka ganacsada kana soo uruuriya Baasaboorada dadka iska leh si eey ugu qaadaan dad u muuqaal eg.

‘’Waxaan Wareesanay Gabar kamid aheed dadka hada xiran waxa eena noo sheegtay in lagula heshiiyay 21-kun oo Dollar bixiso marka yurub la geeyo taasina waxa ee nagu noqotay Fajiciso iyo wax maskaxdeena ka weyn in dalka oo hada nabad noqday in lacagtaasi Yurub looga aado ‘’ ayuu sheegay Gaafow.

Taliyaha ayaan xusay in arimahan loo sababeenayo dadka Qurbo joogta ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay Muqdisho kusoo qul qulayay sidaana ee ku dhacday in Dad wata Basabooro eysan laheyn garoonka ka dhoofaan.

Hadalka kasoo baxay Jen Gaafow ayaa kusoo aadaya xili garoonka Aadan Cadde ka dhoofeen dad badan oo wata baasabooro bug ah oo leeyihiin dad u muuqaal eg kuwaa oo dhawaan gaaray Dalal yurub katirsan Sida Norwey ,Sweden iyo Holand.








______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved