Ciidamada AMISOM oo la wareegay deegaano horleh oo ka tirsan gobalka Bay++ (Sawiro)

Monday 25 February 20130 comments


Ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) oo ay wehliyaan kuwa dowlada Federaalka ayaa la wareegay deegaano ka tirsan gobalka Bay maalinimadii shalay weerar ay subaxnimadii ku qaadeen labo deegaan oo muhiim ah.


Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay deegaanada Dardan iyo Jirada Kullow oo ka tirsan gobalka Bay subaxnimadii hore ee shalay halkaasi oo ay weeraro kadis ah ku qaadeen.

Ma jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay, waxaana la sheegay in goobtaasi ay horey uga sii baxeen xoogagii  xarakada Al Shabaab ee nawaaxigaasi ku sugnaa.


Deegaanada horleh oo ay qabsadeen AMISOM iyo ciidamada Dowlada Federaalka ayaa ka dhigeysa magaalooyinka iyo tuulooyinka ay la wareegeen lix deegaan oo ka tirsan gobalada Shabeelada Hoose iyo Bay, hawlgaladii tobankii maalmood ee lasoo dhaafay socday.


Inta badan deegaanadaasi ayaan wax dagaal ah ka dhicin iyadoo ay xarakada Al Shabaab halkaasi dib uga gurteen, sidoo kale todobaadkii lasoo dhaafay ayey ciidamada AMISOM la wareegeen Airporka magaalada Jowhar ee gobalka Shabeelada Dhexe.


Ciidamada AMISOM ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay xooga saarayaan sidii loo furi lahaa wadada isku xirta magaalada Baydhabo iyo Afgooye, iyagoo sheegay inay sii wadayaan hawlgalada ay  xarakada Al Shabaab uga saarayaan deegaanada ay ku sugan yihiin ee gobalada Bay, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose.


Ergayga Midowg Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahamet Saleh Annadif ayaa sheegay in hawlgalada ay ciidamada Midowga Afrika wadaan ay tahay mid ay ugu gargaarayaan dadka shacabka ah, isla markaana ay wadaan dadaalo ay ku xoojinayaan amaanka goobihii laga wareegay xarakada Al Shabaab.

Hablaha Media Network 2013






_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved