YAABKA DUNIDA: Bisad sababtay in la joojiyo Xaflad soctay

Monday 18 February 20130 comments



Bisadaani ayaa sababtay in la joojiyo Xaflad ka dhaceysay dalka Al-Geria kadib markii Bisadaasi ay gudaha u gashay Hoolka ay ka dhaceysay Xafladda, Haweeney lagu magacaabo Hana oo iyadu kamid ahayd haweenka maamuusaayay Xafladaasi ayaa sheegtay in xafladda ay mar qurah isu bedeshay Goob buuq badan waxa ayna sheegtay Marwo Hana in Bisadaasi ay hoos gashay mid kamid ah Kuraastii Hoolka ku jiray



Hana ayaa sidoo kale sheegtay in buuqa ka dhashay Biasadaasi uu sababay in qaar kamid ah ay jajabaan Hablihii kasoo qeyb galay Xafladda kuwaasoo iyagu ku labisnaa dhar ku dheg-dhegan taasina ay sababtay markii ay isku dayeen inay goobta ka cararaan ay halkooda ku dhaceen.


Bisadda ayaa qeylisay kadibna waxa ay bilowday inay ku dhex cararto Hoolka Xafladda taasoo sababtay in Haweenka isugu yimaaday xafladaasi ay ku kala cararaan iyaga oo ka naxay Qeeladda Bisadda hayeeshe waxaa halkaasi ku jajabay Dhowr iyo toban Haween.


Si kastaba ha ahaatee Bisada ayaa noqotay mid ka yaabisay dadka Reer Al-Geria oo iyagu ka aqristay wargeysyada kasoo baxa dalkaasi waxaana durbadiiba hoolka soo buux dhaafiyay Ciidamada amaanka iyo gawaarida lagu qaado dhaawacyadda kuwaasoo gurmad u ahaa haweenkii jajabay.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved