Dhacdo Naxdin Leh: “Sacdiyo Waan ka Quustay Guur Dambe….!!!

Monday 18 February 20130 comments


Magaca  Sacdiyo Xasan da’deedu Waa 19 jir wax ay dhiganeysay dugsiga-sare fasalka 1aad, waxayna is-barteen wiil ay daris ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Farxaan Axmed, waxaana dhexmaray Sacdiyo iyo Farxaan xariir aad u wanaagsan xariirkaas oo ku dhisnaa Jaceyl, is-qaddarin, xushmad, wanaag iyo is-karaameyn.


Farxaan Iyo Sacdiyo markii ay wada socdeen muddo labo sano ah, ayaa waxaa la isku afgartay in la is guursado, sida dhaqanka iyo caadada u ah ummada Somaaliyeed, ayaa wiilkii Farxaan ahaa ciddiisii waxey soo doonteen gabadhii Sacdiyo aheyd wad- hadal dheer oo dhexmaray labadii reer kadib, waxaa la isku afgartay asbuuc kaddib in la isku guuriyo lammaanaha ummada inteeda kale iska doortay oo ayagoo isku qanacsan reerahooda u yimid.


Dhanka kale Sacdiyo iyo Farxaan mid waliba waxa uu dareemay farxad uusan garaneyn qaab uu u qiyaaso maaddaama ay u suurta gashay riyadii ay labada sano ku hamminayeen iney maalin uun gaaraan, balse, maxaa ka danbeeyay farxaddaas mise noqotay mid sii socota?.


Markii la isku afgartay iney is-guursadaan Farxaan iyo Sacdiyo habeenkeedii ayaa waxaa soo yeertay hadal laga naxo kaas oo ahaa in Maxamed Xasan oo ahaa Sacdiyo walaalkeed ka weyn ay xabadi qalbiga kahaleeshay (wadnaha) isla goobtiina ku geeriyooday! Taasina waxey sababtay in farxaddii iyo dammaashaadkii ay Sacdiyo dhex dabbaalaneysay halkaasi ku burburto.


Si kastaba ha ahaatee, waxaa la gaaray maalintii lagu ballamay inuu dhaco meherkii Sacdiyo iyo qaaligeeda, Farxaan, waxaana loo dhigay xaflad si weyn loosoo abaabulay isla markii ay xafladdii dhamaatay ayaa haddana aqbaar kale oo aan asna dhagaha u rooneyn soo yeeray kaas oo ahaa in wiilkii farxaan ahaa hooyadiis ay xabad wiifto ah madaxa ka haleeshay isbitaalka intii loo wadayna ay naf baxday! Waa markale iyo musiibo hor leh farxad lagu daray murugo waa yaab iyo amakaag aan horay loo arag! Wiilkii Farxaan ahaa waxa uu aaday meydkii hooyadiis si uu aaskeeda uga qeyb qaato.


Intaa kaddib, dib baa la iskugu soo laabtay waxaana la isku raacay maalmo kadib inuu dhaco arooskii lammaanaha farxadda iyo murugada marwalba isla socda dariska u noqday, intii la sugaayay arooska ayaa waxaa qalliin dhanka caloosha ah galay oday Axmed oo ahaa Farxaan aabbihii. Farxaan ayaa aabbihii isbitaalka ku baxnaaninaayay intii laga gaarayay muddadii loo qabtay inuu dhaco arooskiisa, markii la gaaray muddadii arooska, Farxaan wuxuu soo aaday xaafaddii uu dagganaa si uu iskugu diyaariyo arooskiisa uuna usoo wato gacalisadiisa Sacdiyo, si wacan buu u dhacay arooskii wuxuuna ku dhamaday sidii loogu tala galay.


Farxad iyo dammaashad ayaana lagu galbiyay Farxaan iyo Sacdiyo; muddo gaaban markii la joogay oo dadkii arooska soo galbiyay ay kala yaraadeen, baa waxaa dhacday in wiilkii Farxaan ahaa uu ku yiraahdo gacalisadiiso, Sacdiyo, alaab ayaan laammiga ka doonayaa ee I sii sug adoo raalli ah, wakhti lagu qiyaasay 10 daqiiqo markey kasoo wareegtay maqnaashaha Farxaan ayaa Sacdiyo waxey maqashay cod qof dumar ah oo ku celcelinaaya “Alla wiilkii arooska ahaa waa dhintayey! Baabuur ayaa kala gooyay!”.


Sacdiyo waxey iska dhaadhicisay waxaas waa dhagahaada iyo sheydaan ee sheydaanka iska naar wax dhici kara maahane, balse, waxaa gurigii soo galay gabar ordeysa oo leh “Alla Farxaan ma noola! Baabuur ayaa maray! away Sacdiyo?”.


Ummaddii ayaa halmar dhanka laammiga u oradday laakin, waxba meysan arkin oo Farxaan isbitaalka ayaa loo qaaday saacado kaddibna halkaas ayuu ku ruux-baxay! Wiilkii arooska ahaa isagoon xataa hal habeen la seexan gabadhii Sacdiyo aheyd!


Sacdiyo umma aysan suurta galin iney booqato isbitaalka wiilka la dhigay amaandarrada ka jirtay magaalada darteed iyo isbitaalka oo ka fogaa, habeenkii oo dhanna meysan seexan oo waxey ku hadaaqeysay, “Haa waa beentiin Farxaan muusan dhimman aniga ayaa hadda gacanteyda doolshe ku siinaayay” iyo hadallo la mid ah oo murugo xambaarsan.


Subaxii markii la gaaray bey booqatay isbitaalkii ummaddii oo dhanna wey ka rumeysan weyday inuu geeriyooday lammaniheedii ay dunida ugu jecleyd si ay u quusatana waxaa la geeyay qolkii meydkiisa lagu dhaqaayay indhaheeda ayayna ku samirtay!.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved