Qiso Cajiib Ah Oo Aad La Amakaagi Doonto Mudana Inaad Ku Cibro Qaadato..!!!

Monday 18 February 20130 comments



Hada ka hor ayaa nin Dr ama dhaqtar ahaa oo dr naajix ahaa ayaa gurigiisa ka baxay asagoo u socda airport waxuu u socday in uu ka qaybgalo shirarka takhaatiirta caalamiga waxaana lagu siin lahaa abaalmarin ,dr aad bay ula wayneed arintaas ,diyaaradii waa kacday markii ay caabar socotay aysan gaarin meeshii ay ujeedkeedu ahaa ayaa waxa soo baxday cilad farsamo..

Waxaa loo sheegay rakaabkii in ay diyaarada ku dagi doonto airport uGu dhaw ,dadka rakaab ka ahna laga saarin doono diyaarad kale maalinta bari ah .ninkii DR ahaa ayaa u tagay gabar fadhisay xafiiska waxuuna u sheegay in uusan sugin Karin bari uu leeyahay shir muhiim ah.

Gabadhii ayaa ku tiri ,aniga arintaas waxba kama sameen karo ,laakiin magaaladaad u socoto sas uma faga ,hadaad gaari qaadato waa 3 hours driving ,Dr oo necbaa gaari wadista masaafada dhaadheer ayaa option kale waayay ,gaari rent (kiro) ah ayuu soo qatay wuuna kaxeeyay ,markii uu cabaar socday ayaa roob xun bilaawday oo waxba laga arkeen ,ninkii wadadii uu dhumiyay.


Wuxuuna socday mudo sedex saac ah meel qaldan markii uu quustay ayuu arkay guri yar oo meel ka taagan ,waxuu is lahaa aad ka heshid waxaad cunto iyo taleefan aad dirsato si laguu hago maadaama mobile kiisii uu bilaa dab noqday ..Dr markii uu gurigii imaaday ayuu irida garaacay ,waxaa lagu yiri so dhaaf , mase waxaa joogta duq waayeel ah oo curyaan ah ,salaam ka dib waxuu ka codsaday in talefan uu ka heli karo iyo inkale ,islaantii waa yeelka aheed aa u sheegtay in aysan teleefan qabin ,balse uu raashin ay siin karto .


Dr-kii waxuu arkay islaantii oo duceeyneesa misana waxuu arkay canug meel jiifa .waxuu ku yiri yad u duceeyneesaa . islaantii baad tiri ducooyinkayga dhan waa la aqbalay ilaa hal mid ma ahee. Dr-kii ayaa suaalay mida an la aqbalin ,islaantii waxay tiri wiilkaan yar oo jiifa waxaan u ahay ayeeyo waalidkiisa way dhinteen waaxa xanuunsanyahay ma dhaqaaqi karo waxaana laygu yiri hal nin oo Dr ah ayaa daaween karo ,DR kaasna waa iga fogyahay ,anigana waayeel aan ahay ma gaari karo meeshuu joogo.


Islaantii waxay u sii raacisay Dr magaciisa ,waxuuna noqday isla aasagii .Dr ilin ayaa indhahiisa buuxisay ,waxuuna ogaday in ay dhumistiisa iyo diyaarada waxa ku dhacay ay aheed aqbalida islaantaan ducadeeda oo waxaa qornaa in oo gurigeeda uGu imado ayadoon raadin .. Dr-ka sidii uu ku daaweeyay wiilkii yaraa wuuna caafmaaday … masha alah …
سبحان الله ولا حول ولا قوة الا بالله.
هو مدبر الامور…سبحانه وتعالى..

Waa qiso cajiib ah mudana in lagu cibro qaato, sheekadaan waxaan ka faaidnay wax walbo oo lagu duceysto inuu ALLE kor ahaayee noo fududeynayo anagoo meelna u dhaqaaqin…


____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved