YAABKA DUNIDDA: Nin Mucjisa ah oo ka yaabsaday boqolaal qof oo xilligaasi maraayay wadada !!

Monday 18 February 20130 comments




Ninkaani oo u dhshay dalka Shiinaha ayaa ka yaabsaday Boqolaal Ruux oo iyagu maraayay wadada kadib markii ay arkeen nin watay Baaskiil oo si cajiib ah u wadaayay baaskiilka, Ninkaasi oo lagu sheegay magaciisa Jaam istam ayaa isagu Baaskiilka ku waday Gacmada kadibna madaxa hoos marsaday.

Jaam istaam waxaa gacanta ku dhigay Booliska wadooyinka iyaga oona sheegay in ninkaasi lagu magacaabo Jaamistaam uu sababi karo in uu dhaco shir gaari inta ay darawalada ku mashquulsan yihiin Jaam istaam oo xiligaasi maraayay wadada geeskeeda

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in Jaam istaam uu sanad kahor sababay inay isku dhacaan gawaari badan iyaga oona arintaasi ku macneeyay in darawalada gaadiidka ay la cajiiben qaabka cusub ee uu Jaam istaam ku wadaayay Baaskiilka waxaana  la dhigay Xabsi si ay xukuumadda go’aan uga gaarto Jaam.

Si kastaba ha ahaatee Jaam istaam ayaa isagu lagu sheega inuu yahay ruux u dul-qaadan karo adkeysiga qaabka baaskiilka loo wadaayo waxa uuna sheegay Jaam istaam in uu bartay baaskiilka qaabka loo wado islamarkaana uu yaraanta ku sameyn jiray.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved