Xiisada ka taagan dalka Tunisiya oo sii xoogeysatay

Saturday 9 February 20130 comments



Aaskii Shokri Belaciid ayey ka dhasheen rabshado kadib markii ay isku dhaceen ciidamada amniga iyo dadka shacabka ah ee ka qeyb qaadanayey aaska loo sameeyey Shokri Belaciid, arrintan waxaa sii xoojisay kadib markii shacabka ay sameysteen illaalo u gaar ah kuwaasi oo la sheegay inay ka hortageen ciidamada amniga oo iyagu ku sugnaa wadooyinka waaweyn ee magaalada.
Dhinaca kale Raysalwasaaraha Tunisiya Hamdi Jebali oo ku dhawaaqay in xukuumadiisa kala dirayo isla markaana ku dhawaaqayo Doorashooyin deg deg ah, ayaa loolan xoogleh kala kulmay isla xisbigiisa oo ah kan xiligan hogaaminaya dowlada dalkaasi.
Xisbiga Islaamiga ah ee Ennahda ayaa si weyn u diidan go’aanka Raysalwasaarahooda uu qaatay ee ah in xukuumada la kala diro, waxayna sheegeen in aysan wanaagsaneyn in xiligan la dhiso dowlad kumeel gaar ah.
Raysalwasaare Hamdi ayaa isagu raba in doorasho la qabto kahor inta doorashada la gaarayona la sameeyo dowlad kumeel gaar ah oo doorashooyinka soo diyaarisa, Raysalwasaaraha ayaa heysta muddo 48 saac ah inuu ka dhaadhiciyo xisbigiisa inay la qaataan go’aankiisa.
Hablaha  Media Media

___________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved