Aabe gabadhiisa u balan qaaday lacag hadii ay iska dhaafto isticmaalka Facebook

Friday 8 February 20130 comments




Aabe kasta ubadkiisa waa mid la rabo dadaal iyo sidii ubadkiisa uu unoqon lahaa mid ka soo baxa waajibadka loo xilsaaray, waalid kasta ayaa ku dadaala sidii ay ubadkooda unoqan lahaa kuwa aan kaliidan ubadka kale, ma jiro waalid jecel in u badkiisa ka noqdo mid aan miro dhal laheen.


Aabahan oo u dhashtay dalka Mareykanka ahna nin degan magaalada Boston ayaa arkay gabadhiisa oo waqtigeeda inta badan ku bixiso isticmaalka Facebook, si kasta uu ula hadlo aabahaan gabadhiisa ayaan ku yeelan wax saameen aragtida gabadha.


Aabahaan ayaa markii danbe fikir cusub ula imaaday gabadhiisa oo ah in uu siiyo lagac gaareeso 200 dollar hadii ay cinwaankeeda hawada ka saarto (deactivate) mudo gaareeso 5 bil.


Gabadhaan oo ah gabar aad u yar da’deeduna tahay 14 sano jir ayaa aqbashay in ay ka gudoonto aabaheed lacagta, aabaha iyo gabadhiisa ayaa kala saxiixday hishiiskaan iyada oo heshiishkaan lagu qoray warqad taas labada ruux (aabaha iyo gabadha) wada saxiixeen.





Hishiiskaan ayaa hirgalaya laga soo bilaabo maalintii isniinta oo taarikhda ku beegneed 4/2/2013 heshiiskaan ayaa soo af jarmaya xiliga markii uu yahay 26 June 2013.


Aabahaan ayaa u hormarin doona gabadhiisa bisha April lacag gaareeso 50 dollar halka uu baaqiga ku harsan ee gaaraya 150 dollar uu bixin doono bisha June.


Gabadha ayaa ku wareejin doonta aabaheed password ka cinwaankeeda, halka uu aabaha ka badli doono password ka gabadhiisa kadibna uu cinwaanka gabadhiisa uu hawada ka saari doono (deactivated).


Qaar katirsan asxaabta gabadhaan ayaa ku taageeray iyaga oo sheegay in ay tahay tilaabo wanaagsan.


Facebook ayaa dad badan dhigay mustaqbal la’aan kadib markii ay waqtigooda inta badan ku bixiyeen isticmaalka, dadka qaar ee isticmaala facebook ayaa aaminsan hadii ay maalinkii aysan furin cinwaankooda facebook in jawiiga maalinkaas uu ka qasan yahay.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved