Hindiya oo dal-dashay nin loo heystay weerar lagu qaaday Barlamaanka

Saturday 9 February 20130 comments



Dowlada Hindiya ayaa daldashay ninkii loo heystay inuu abaabulay weerar hubeysan oo lagu qaaday Baarlamaanka dalkaasi Hindiya sanadkii 2001.

Maxamed Afzal Guru ayaa ah ninka loo heystay inuu soo abaabulay weerarkii kooxo hubeysan ay ku qaadeen Baarlamaanka dalka Hindiya ee New Dehli.


Weerarkaasi oo dhacay sanadkii 2001 ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 9 qof, waxaana ninkan lagu magacaabo Afzal Guru lagu eedeeyey inuu ahaa ninka abaabulay kooxaha weerarkaasi fuliyey.

Afzal Guru ayaa kasoo jeeda gobalka dalka Hindiya ay heysato ee Kashmiir, waxaana maanta la shaaciyey in lagu fuliyey xukunkii dilka ahaa ee maxkamada ku xukuntay. Afzal Guru ayaa la sheegay in lagu daldalay xabsigii lagu hayey.

Dowlada Hindiya ayaa bandow kusoo rogtay gobalka Kashmiir iyada oo ka cabsi qabta in halkaasi ay ka dhacaan weeraro aar gudasho ah oo la xariira dilka ninka muslimka ah ee loo heystay weerarkaasi lagu qaaday Baarlamaanka Hindiya sanadkii 2001.
Hablaha Media Network

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved