Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay Horyaalkii 4aad ee Kubadda Gacanta Daawo Sawirada

Saturday 9 February 20130 comments


Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho ayaa ciyaartii kama dambeysta Horyaalka 4aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay gabdhaha Horeed iyo Heegan , waxaana si xarago leh markii afaraad koobka gacanta ugu dhigay Heegan oo 12-5 ugu awood sheegatay Horseed.

Kulankan kama dambeysta oo ay ku balansanaayeen labadan kooxood ee sida weyn u xafiiltama dhinaca kalena kala metalayay Ciidanka Xoogga Dalka ‘HORSEED’ iyo Ciidanka Booliska ‘HEEGAN’ sidoo kalena ay u kala saftaan ciyaaryahano ka tirsan xulka Qaranka Gabdhaha Kubadda Gacanta ayaa waxay ciyaartooda ahayd mid si weyn ay ugu soo qeybgaleen Taageerayaal aad u badan iyo mas`uuliyiin kala duwan. iyagoo soo bandhigay ciyaar ku dheehan asluub iyo xirfad sareysa. Halkaan Ka Daawo Sawrida 





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved