Cayayaanka Baranbarada oo hore loo caddeeyey in aanay waxba ku noqon sunta nukliyeerka, ayaa waxa waqtigan la ogaaday noole la yidhaa Diibka-badda oo ku noolaan kara meelaha qabowga daran leh iyo biyaha baylka ah dhexdooda, cimrigiisuna gaadho laba qarni (200 sanno).
Noolahan oo luqadda qalaad lagu yidhaa Tardigrades (Water Bears), waxa uu ku noolaan karaa cimilooyinka aan caadiga ahayn ee daafaha adduunka, waxaannu leeyahay laalaabyo aad u tiro badan oo jidhkiisa ku gadaaman, sidoo kalena wuxuu leeyahay noocyo fara badan oo muuqaal ahaan aad u kala duwan, waxana noocyadiisa lagu qiyaasay 900 nooc oo badaha ku nool yihiin, sidoo kalena waxa laga helaa meel kasta oo caalamka ah sida buuraha dhaadheer ee badaha ku dhex yaal iyo gudaha badweynta.
Xawaankani waxa uu adkaysi u leeyahay inuu ku noolaado cimilooyinka aadka u qabow, kuwa kulaylka badan leh iyo meelaha qallalan, sidoo kalena u adkaystaa shucaaca fallaadhaha cadcadeedda, da?diisuna waxay gaadhaa in ka badan laba qarni.
Waxa kaloo uu u adkaysan karaa inuu ku noolaado cimilo heer-kulkeedu hoos u dhaaftay -457 digrii, heerkul kor u dhaafay 357 digrii iyo waliba shucaad (radiation) gaadhaya 700 grays, halka ay bani?aadamka iyo xayawaanno kale oo aad u tiro badana dilaan shucaac dhan 10-20 grays.
Xayawaankani waxa sidoo kale biyo la?aan noolaan karaa toban sannadood, xataa noocyadiisa badaha ku nool.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment