Raaliyooy Sidaan Sameey Si Saygaagu Kuu Jeclaado”Xog Muhiim ah”

Saturday 23 February 20130 comments


 Oslo,(Hablaha.com)- Raaliyo ma jirto ilaa la raali galsho Nafta, waxaase ku badan Gabdhaha Soomaaliyeed kuwa iyagu isku xilqaamay Raali galinta Seygeeda si ay u kasbato Qalbigiisa.


Seygaaga oo ah Beer uu Alle kuugu deeqay ood hadba sidaad doonto ugu raaxeeysan kartid waxaa lama huraan ah inaad u keli ahaatid ood baariyad unoqotid , hana moodin in afka baariyad laga noqdo ficilkaa muhiim aha .


Hadii aad ku han weyntahay inaad Baariyad unoqotid seygaaga Xalaasha ah ku dadaal inaad mar walbo raali galisid, usameeysid waxyaabo farxad galin kara ku dadaal inaad kasoo hor kacdid waqtiga la hurdo udiyaarisid waxyaabo af-ka lagu macaansado, aroortii ukeen shaah.


Waqtiyada uu guriga yimaad isku day inaad dabeecado cusub lasoo baxdid ku dhawaaw oo dhinaciisa fadhiiso idil la’aan u riix riix hadii uu daalanyahay, isku day inaad mar walbo usheegtid dharka uu ku qurux badanyahay la tali oo u qorsheey beri waxa uu ku labisan lahaa si uu dadka uga dhex muuqdo dareensii inaad jeceshahay sumcadiisa.


Baarinmadu mararka qaar afku wuu noqdaa, ku dheh hadal macaan marka uu wax ku weydiisto u dhega nuglaaw waxyaabaha uu aadka ujecelyahay inaad waqti siisid , ka jooji su’aalaha badan kolkuu guriga yimaaado ku madadaalo waxyaabaha uu markaasi hiigsano dhiira galin ugu dar qorshaha uu waqtigaasi leeyahay ee uu kusoo bandhigay.


Raaliyo waxaad ku noqon kartaa adigoo isla hilmaama hadalka ay Dumarku kuu sheegaan niyadaada ka saar ineey marnaba run noqon karaan waxyaabaha lagaaga sheegay Seygaaga , Kiisa mooyaane mid kale ma jiro.

Waxaa Hubaal ah inaad run ahaantee ka heli doontid waxa aad u dhiibatay ma jiro Nin ka sameysan dhagax ama bir waa mid og abaal walbo ood ugashid, Qalbi wax dareema iyo mid Naxariis unugulba Ragga Soomaaliyeed way ku badanyihiin, iska ilaaw ineeysan Ragga Soomaaliyeed marnaba Daacad kuu noqon karin.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved