Wiil iyo adeerkii lagu dilay gobalada dhexe kadib weerar kedis ah oo lagu qaaday goob ay ku fiidsanayeen.

Tuesday 19 February 20130 comments




Wiil iyo adeerkii lagu dilay gobalada dhexe kadib weerar kedis ah oo lagu qaaday goob ay ku fiidsanayeen.


Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya wiil iyo adeerkii oo ku sugnaa maqaayad lagu fadhi ku diriro.

Dilka ayaa goob joogayaashu waxa ay sheegeen in ay fuliyeen rag watay gaari nuuca raaxada ah oo aan gaarigiiba kasoo dagin ee durbadiiba goobta orord ku dhaafay.

Weerarka kediska ah ayaa waxaa wararku intaa ku darayaan in dad kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday goobaha caafimaadka si dhibka soo gaaray looga daweeyo.

Gobalka Muqdug, Gaar ahaan Gaalkacyo ayaa waxa ay ku caan baxday dilalka nuucaan oo kale ah, iyada oo magaaladu ay u kala go’antahay laba maamul oo marnaba aan ku heshiin in amaanka magaalada wax kaqabtaan.

Galmudug oo koofurta katalisa iyo Puntiland oo qeybta waqooyi ee Gaalkacyo ka arimisa ayaa waxa ay isku eedeeyaan in falalka amni darro.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved