Xog muhiim ah oo muujineysa Musuq kii ugu darnaa oo lagu helay gudoomiyaha baarlamaanka iyo dowlada Soomaaliya oo ku qanacsan.

Tuesday 19 February 20130 comments




Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxa ay isla meel dhigeen in dhamaan wariyaasha Lahjada maayga ku hadla ee Muqdisho joogo shaqo laga siiyo wasaarada Warfaafinta Soomaaliya iyada oo waliba lasiinayo mushaar aad u badan.

Maxamed Cusmaan Jawaari oo ah gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa lasheegay in kulanka uu laqaatay Ibraahim Isaaq Yarow oo ah wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta ay isga dhaadhiciyeen in wariyasha Lahjada Maayga ku hadla ay Muqdisho ku dayacanyihiin sidaa darteena ay lagama maarmaan tahay in wasaarada warfaafinta ay shaqo iyo mushaar kan ugu fiican kahelaan.

Kulaankaasi kadib waxaa wararku sheegayaan in Jawaari uu madaxweynaha Soomaaliya kasoo ansaxsaday in wariyashaasi ay ku biiraan wasaarada Warfaafinta, waxaana lagu balansanyahay in ay dhawaan shaqo galaan.

Wariyaashaasi lacagaha lagu qaadanayo waxaa lagu sheegay $300, waxaana wasaarada ka shaqeeya wariyaal wax badan kusugnaa oo aan lacagtaas iyo wax u dhaw mushaar ahaan u qaadan.

Waxaa dad badan oo indheer garad ah ay wax layaab leh ku tilmaameen in Gudoomiyhii baarlamaanka oo xanbaarsanaa sharafta golaha sharci dejinta Soomaaliya oo laga doonayay in uu u doodo dhamaan umada Soomaaliyeed uu ku dhiirado in uu shaqsiyaad ehel la ah waliba intooda badan shaqooyin ku heesta magaalada uu shqooyin u raadiyo.

Muqdisho waxaa ku sugan wariyaal kale oo badan oo dhamaan isku dayay in ay iskood shaqo uga raadsadaan hasa yeeshe ku hingoobay iyada oo wariyaashaasina aysan kamid aheyn kuwa hada Shaqada laga siiyay wasaarada.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtaa in ay ladagaalameyso Musuq maasuqa,Qabiileysiga iyo nin tooxsiga, hasa yeeshee waxaa muuqata in waxyaabihii ay sheegayeen in ay ladagaalamayaan ay iyagu hada lasoo ifbaxeen.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved