Wiil 12 jir ah oo Diyaarad ku dhex dhuuntay ka dibna qoorta isku galiyay 2 dal oo Midawga Yurub..(Daawo Yaabkaan+Warbixin)

Wednesday 13 February 20130 comments



Wiil aad u yar oo lagu sheegay 12 jir waliba aanan wadan wax Sharci ah ayaa garoonka Diyaaradaha Brussels Airport waxa uu ka raacay Diyaarada Shirkada JetAir kaas oo la tagay ilaa garoonka Diyaaradaha magaalada Malaga ee dalka Spain.


Arintaan oo buuq fara badan ka dhex dhalisay dalalka Beljemka iyo Spain ayaa waxaa iminka halis ku jira in ay shaqadooda waayaan Shaqaalaha dadka baara ee garoonka Brussels Airport iyo qaar ka tirsan Shaqaalada Shirkada JetAir.

Qooyska wiilkaan yar dhalay ayaa markii ay waayeen Wiilkooda waxa ay ciidamada Booliiska dalka Beljemka ku war galiyeen in uu ka dhumay wiilkooda oo aysan la socon halka uu jaan iyo cirib dhigay. Wiilkaan 12 jirka ah ciidamada Booliiska dalka Spain markii ay qabanayeen xitaa wax aqoonsi ah ma wadan taas oo hada dhalisay buuq halis ah oo fadeexo weeyn ku noqday shaqaalada reer Beljem eemaamula garoonka Diyaaradaha Brussels Airport.

Haweeneey lagu magacaabo Florence Bruyere oo u hadashay Shirkada JetAir waxa ay sheegtay in ay wadaan baaritaan ku saabsan qaabkii uu Wiilkaan yar ugu dhex dhuuntay Diyaarada JetAir.

Dalalka Midowga Yurub waxaa Mabnuuc ka ah in ay dhoofaan Caruurta yar yar ee aan qaan gaarin waliba aysan la socon waalidiintooda balse waxaa fadeexo cusub ku noqotay Shaqaalaha Beljemka sida uu ku soo dhaafay Wiil yar oo aan wadan Baasaboor iyo Sawir cadeenaya muuqaalkiisa midnaba.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved