Markii aan suuxay ayuu iga faa’ideestay.(Qaybta 2-baad)

Wednesday 13 February 20130 comments




Qaybtii hore waxay maraysay markii ay gabadhii Nasteexo ahayd timid guriga ninka ay balansanaayeen oo ay si wayn ula dhacday quruxda guriga.


Qaybta labaad waxay ku bilaabanaysaa sidaan: Markii aan iridka ee guriga soo dhaafay ayuu iri “Soo Dhawoow qalanjo, guriga waa gurigaaga waxaana tahay marwadii guriga” iyo hadallo kale oo macaan ayuu igu soo dhaweeyay. Aniguna mahadsanid ayaan si dabacsan ku iri.

Qol Fadhi ah oo si wayn loo sharaxay ayuu I kaanay wuxuuna shiday TV-ga oo ku tuuray Cajal heeso ah durbadiiba waxay ku bilaabatay hees aan in badan jeclahay oo aan miraheeda ka fahmay in gabar lagu ammaanayo fanaankana maba xasuusto, wax yar kadibna Cabitaan qabow iyo cunno fudud ayaa la isoo hoos dhigay.

Ninkiina kama daalayo hadallada jilicsan ee isku dayayo inuu igu soo xerro galliyo aniguna waanba xishoonayaa oo hadalka lama sii wadi Karin, Hubaashii waan aaminay ninkaas ismana laheen wuu kugu xad gudbayaa.

Cabitaankii ayaa la ii keenay ayaan mar kabaday mise waa cambe oo aan aad u jeclahay, waxaan u cabay sida qof ka baqaya in laga dhameesto laba daqiiqo kadib waxaan iska dareemay caajis iyo hurdo mise waa ila tagtay hurdadii.

Ma hubbo intaan suuxsanaa balse waxaan ku qiyaasayaa 40 daqiiqo waxaana soo toosay anigoo jiifo qolkii jiifka oo wata dharkii hurdada katabaanka waxaa iiga muuqday dharkaygii aad baan u naxay waana is day dayay waxaaba cajaradeyda ( Bowdyahayga) ka dareemay Qoyaan aad baan u sii naxay, iyo gudaha xubinteyda taranka oo aan wax ka dareemay.

Anigoo naxsan ayaa waxaa qolkii soo galay ninkii oo isna Shukumaan hoosta ugu xiranyahay waa iga dhaadhici waayeen waxa dhacay inkastoo ay xaqiiqo tahay hadana waan aamini waayay, isagoo dhoola cadeenaya ayuu I yiri gacaliso aad baad u macaantahay qadada Cashada waa diyaar ee isa soo diyaari intuu igu yiri ayuu iga laabtay.

Indhahayga waxaa markiiba ka soo daatay ilin qalbiga ayaana ka ooynaayay dharkayga ayaan katabaanka ka laacay anigoo u jawaabin ayaan galay qolkii fadhiga oo ka soo horjeeday qofla aan ka soo baxay ee jiifka.

Musqusha ayaan galay wajiga ayaan iska soo dhaqay waxaana si dag daga iskugu dayay inaan guriga uga baxo mise waa kan oo ileh macaaneey ila cuntee intaadan bixin aniguna madaxa ayaa I kacsanaa Hadalkana dhuunteyda wuu soo dhaafi la’yahay xanaaq dartii anigoon u jawaabin ayaan ka baxay gurigiisa.

Durbadiiba Taksi (Taxi) ayaan helay oo aan Gurigayga u raacay, way jirtaa marar badan oo gurigayga iga soo raadin jiray aniguna waan burin jiray anigoo aflagaadeenaya ,wixii markaa ka dambeeyay lambarkayga waan badashay nin dambana lama sheekaysan waxaana niyaddeyda ka dhaadhiciyay inay raga dhan isu mid yihiin.

Jugta I gaartay waa mid aan gabarnimadaydii ku seegay waxaana goolkana wuxuu dhashay markii aan miyir belay haddaan miyir lahaan lahaa sida tan ma dhacdeen. 

Qeybtii Hore Hadaad Rabto Halkaan Ka




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved