Warbixin: Farxada joogtada ah ee qoyska is qaba, waxey sababtaa misaankooda oo kordha..!

Sunday 10 February 20130 comments





Cimi baaris ay ku dhaqaaqeen culumo ku taqasustay arimaha bulshada waxa ay soo bandhigeen in ay jirto calaaqaad ka dhaxeeya farxada iyo misaanka oo kordha,

Culimadaan cilmi baarista sameysay ayaana waxa ay sheegeen in qoysaska is qaba ee ku nool farxada joogtada ah isla markaana marwalba aadka isugu dhega nugulin ay yihiin kuwa miisaankoodu aad u kordho, marka loo eego qoysaska qilaafkoodu badan yahay.

Isfahamka iyo jawiga deganaanta ah oo lagu raago iyo in wax walba ay lamaanayaashu isku waafaqaan ayaa sabab u noqota in labadooduba ay cuntada aad u qaataan, ayagoon waqti iyo xad gaar ah u yeelin.

waxa ayna u nugul yihiin in uu siyaado u kordho miisaankooda culeyska ah.
Culimadaan ayaa adeegsaneysa tajaabooyin ay ku sameeyeen qoysas badan oo noloshoodu isku cusub tahay.

waxa ayna soo ogaadeen in afarta sano ee ugu horeysa ee guurka ka dib in ay tahay mudada ay aadka u naaxaan ama u cayilaan lamaanayaasha isku cusub.

maadaama ay xiligaas ku guda jiraan jawi deggan oo xiiso iyo is xaqdhowr ku dhisan.

Culimadaan ayaase intaas kusii daray, in markastoo isku dhaciinu bato adiga iyo lamaankaada in uu yaraan doono miisaankaada culeyska ah sababta ayeyna ku sheegeen culumadaani in ay tahay fikirka iyo welwelka aad ka qabto xaaladiina qasan awgeed.







______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved