Ma Taqaan Abtirsiimaha Jacayl, Hadaba Hadey Jawaabtaadu Tahay Maya Ka Faa,dieyso Wareysigan Lala Yeeshay

Sunday 10 February 20130 comments


Wareysigan xasaasiga ayaa Jacaylka Lala sameyay Kadib Markii Dhibaatoyinkiisa ay Bateen, Wareysigan dheer Dhinacya Badan Taabanaya Nala aqriso. 

Jacayl:- Jacayl baa lay yiraa, Ab Abooto Iyo Isir Midna Malihi, jaar baan la,ahay aadanaha, Culumo iyo Caama waa isugu key mid, qofkuu damac iga galana, daqiiqad igu qaadan meysa inaan darbiyada ugu dumiyaa.

Wariye Run doon:-……woow……waxaas aa kaa Goodin ah…. Marka aan ka tango goodintaa, qolodan aad sheegtay ineeysan daqiiqad kugu qaadaneyn inaad darbiyada u dumisaa…….ma isku si baad u waraabisaa??..

Jacayl:- Maya maya, qolona Dacar baan waraabiya, Sun iyo Waabaayna waan u raaciyaa, Qolona waan saacidaayoo Malab baan muudsiiyaa midigtey is heystaan har iyo habeen, taana adinkaa iiga marag ahoo, mar horaa hees lagu yiri:- WAA MACAAN AMBA WAA QARAAR KOLBA WAA SIDUU KUU SOO MAREE, marka wariye labadan astaanba waan leeyahay. 

Wariye Run doon:- Majiraan astaama lagugu garan karo markaad duulaanka soo tahay?

Jacayl:- kakakakakaka Taa wariye waa sir ii qarsoon mana jecli inaan faafiyo.

Wariye Run doon:- Maleedahay cid lagaaga dacwooda??

Jacayl:- Maya Maya aniga waxaan ahay Dowlad calanle, Cid ila hadli karta majirta, Waadna ogtihiin aniga laaluush ma qaato, qabiil kuma shaqeeyo, aduunkana meel aan taagneyn malaha, alla ka sokowna ma jira qof awood leh oo I qaban kara, 

Wariye Run doon:-Qolo aad wada shaqeysaan majirtaa, Hadii ay jiraana, Magacyadooda manoo sheegi kartaa?

Jacayl:- Haa, Magacyadooda waxa ay kala yihiin, Calaf, Nasiib, Guur, Dookh, Furiin, iyo Naceyb, Mid walbana waxaan uu u xil saaray yahay howl, waxa ayna ugu soo baxaan sidii loogu tala galay. 

Wariya Run doon:- Qoloyinkan kula shaqeya ee aad magacyadooda noo soo sheegtay, manoo faahfaahin kartaa qaar ka mid ah howlaha ay qabtaan??. 

Jacayl:- kakakaka……… Taasi waa ay cadahay wariye magacyada aan soo sheegay ayaad ka fahmi kareysaa mid waliba waxa uu qabto, ……..sidoo kale wariye yaan kaa iloobin, waxa jira oo uu mid waliba leeyahay waqti gooni ah oo uu howl galo.

Wariye Run doon:- oo howl galadoo ma adaa u dira mise ayaga ayaa si iskood ah u qabta?.

Jacayl:- ah ah ah ah………howlgal aan aniga qalinka ku sixiixin maba qabtaan sow ma aha, taasina waxa ay kuu cadeyneysaa howlgaladaa ku dhaqaaqidooda aniga JACAYL ah ayey iga soo fulaan.

Wariye Run doon:- ma jiraan dad aad asxaan u sameyso??

Jacayl:- Haa waa caruurta aan qaangaarin, saarkeyga ama duulasheyda caruurtaa xagooda ma haweystaan, laakiin caama iyo ciroole daris baan nahay, 

Wariye Run doon:- Waxaa jirta su,aal aan ku weydiiyay oo aad jawaabteeda kawar wareegatay taasoo ah manoo sheegi kartaa qolada kula shaqeysa iyo howlaha ay qabtaan?

Jacayl:- mudane wariye taa jawaabteeda kamaan war wareegane waan kuu dulmaray, laakiin haddii mar kale su,aasha igu soo laabatay, waxaan jeclahay in qaabka ay ay u howl galaan aan laba tusaale kaa siiyo waana sida tan:-

Waxaa wada shaqeeya Dookh, Nasiib, Calaf, iyo Guur, qaabkan ayeeyna u wada shaqeeyaan oo silsilad ahaan isugu xiran yihiin:-

Qof baad
jaeceyl u qaadeysaa dalabkaas ayaa noqonaya (Dookh) Dookhii ayaa waxaa uu kuu sii dhiibayaa (Nasiib), kaasoo ah Nasiibkii aad ku heli laheyd qofkii/tii jacaylka aad u qaaday, Nasiibkii ayaa hadana waxa uu kuu sii gubinayaa albaabka (Calafka) oo qofkii/tii alla calaf isku kiin daray, ilaa ugu danbeyntii aad salka la hesho kursiga barwaaqada oo ah (Guur) taasoo ah qofkii/tii aad wadada dheer ee dhibka iyo rafaadka badan aad isla soo marten inaad aqal gashaan.

Tusaalaha labaad ayaa noqonya sida tan:-

Maseyr, Naceyb, furiin, qaabkan ayeyna u wada shaqeeyaan oo laba qof oo ay wax kawada dhexeyeen ayaan mid ka mid ah (maseyr) u shidaya aniga Jaceyl ah oo biyo dhexdooda waxaan jirin ka tusinaya, maseyrkii ayaa waxa uu garaacaya albaabka naceybka, waxaa uuna naceybkii halkaas ka dhalinayaa buuq iyo qeylo ilaa aakhirka jaraska Ganbaleelka furiinka uu dhawaaqo oo duudka ley aadiya

Wariye Run doon:- todbaadkan ayaa Hey,ad u doodada xuquuqda aadanaha, waxa ay sheegtay inaad dadka gumaad ba,an ku heyso taa maxaa ka jira Jaceyloow?.

Jacayl:- Dadka qaar dugsigeyga waa ay ka aflaxaan, qeyb kamid ahna qasaarooyin ayaan u geysta oo waa lala yaabaa, taana waa jadwalka aan ku shaqeya ma garatay wariye.

Wariye Run doon:- Marka aan ka tagno dadka ka aflaxay dugsigaaga, kuwa qasaaroyinka aad u geysata manoo sheegi kartaa waa kewee?.

Jacayl:- kuwa aan qasaaroyinka u geystay waxaa ka mid ah kuwooda caanka ah Cilmi boodhari oo sida aad wada garaneysaan dhib badan igala kulmay, markuu jacayl daran u qaaday hodan iyana ay ku gacan seyrtay ineey wax la wadaagto, kaasoo ugu danbeyntii u geeriyooday, cidlada la cidleyay, sidoo kale asxaabta aan aafeyay waxaa ka mid ah Cantar iyo cabla, Qeys iyo leyla, iyo kuwa kale oo badan.

Wariye Run doon:- Dadka aad jeceshahay ee aad saacidda manoo sheegi kartaa, tirase maleeyihiin?.

Jacayl:- Dadka waxaan u jeclahay kan daacadda ah, kaana waxaan cabsiiyaa malab waxaanan ka dhigaa kan ugu farxadda badan dunida, waxaan astaan u ah qofkaas qosol, labis badan, furfurnaan dabeecad wanaagsan, bashaashnimo………….

. Wariye Run doon:- Sidoo kale manoo sheegi kartaa dadka kuwa aad ugu neceb tahay?

Jacayl:- Dadka waxaan ugu necbahay kuwa aan daacadda ahayn, kuwaa waxaan waraabiyaa Dacar qaraar, waxaanan ka dhigaa kuwa naftooda wax yeelaya sida iyaga oo isguba, Sun caba, Isdaldala, (Isqaarijiya), Qaarkoodna waxaan wehelkooda ka dhigaa fakir iyo walwal joogta ah.

Wariye Run doon:- Marka aad weerarka qaadeysa qofka halkee ka bartilmaameed sataa?

Jacayl:- Waxaan bartilmaameed ka dhigtaa oo qofka ka dagaa Qalbiga, Marka hadaan halkaas deegaan ka dhigto Qofka isma waali karo oo anaa steerinka u hayo.

Wariye Run doon:- Gabagabadi Dadka Maxaad kula talineysaa?

Jacayl:- Dadka kuwa aan u necbahay iyo kuwa aan u jeclahayba waxaan kula talinaya in qof waliba dadaal dheeri ah sameyo, Dulqaadna u yeesha guul darooyinka soo mara, hadii guul soo martana waaba sida la rabay, balanteena waa LAMA KALA MAARMEE HA BABADA


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved