War deg-deg ah: Maxkmadda Gobolka Banaadir oo denbi ku heshey gabadhii sheegtey in la kufsadey iyo weriyihii waraystey

Tuesday 5 February 20130 comments




War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Makxmadda Gobolka banaadir ay denbi ku heshey Luul Cali Cismaan oo ahayd gabadh ku doodey in 7 nin kufsadeen kuwaas oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, waxaana maxkmaddu ku heshey in ay been abuur sameysey.
Sidoo kale Weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim ayaa isagana lagu heley denbi ah in uu faafiyey waxna ka abaabuley been abuurka gabadha Luul samaysey Maxkmadda ayaa ku xukuntey midkiiba hal sano oo xarig ah.
Dacwaddan ayaa ahayd mid soo jiidatey caalamka isla markaana si dhaw isha loogu hayey, waxaana lagu tilmaamey in ay tahay tijaabadii u horeysey ee Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Shiikh Maxamuud, waxaana safarka Madaxweynaha ee Qaarada Yurub hareeyey su’aalo ku saabsan arrintaas, dadka ka faalooda arrimaha caynkan oo kale ah ayaa sheegaya run iyo been caddaalad iyo caddaalad darro wuxuu doono ha noqdee kiiskan in uu yahay mid la siyaasadeeyey, dowladda federaalka ahna looga guuleysan doono, isla markaana ay kala kulmi doonto canbaareyn iyo canaan kulul dalalka ay ku xiran tahay ee gargaarka siiya.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved