Soomaali silac badan uu ka muuqdo oo Saakay laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Tuesday 5 February 20130 comments


Waxaa saakay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Soomaali badan oo laga soo tarxiilay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo markii hore ee ku joogeen Sharci la’aan.

Dadkan Soomaaliyeed ee Tarxiilka lagu keenay oo ahaa Dad aad u badnaa kana koobnaa Rag ,Haween iyo Caruur ayaa waxaa korkooda ka muuqday Diif iyo daal aad u xoogan iyadoo sidoo kale ee jireen dad jir dilo lagu sameeyay intii ee ku jireen Xabsiyada Dalka Sacuudi Carabiya.

Soomaalidan maanta laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde ayaa qaarkood waxaa ka muuqday Hilow badan ee u qabeen Dalka Soomaaliya in ee kusoo laabtaan kuwaa oo marka lasoo dajiyay faraxd la ilmeeyay sheegeyna in eesan mar dambe dalkooda ka bixi doonin silac iyo saxariir badana ee soo arkeen.

Arimahan ayaa kusoo aadaya xili amaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho uu noqday mid la isku haleyn karo ilaa xad taa oo keentay xitaa in ee Dalka dib ugu soo laabtaan Qurbo joog tiro badan oo ku noolaa Wadamada Reer Galbeedka iyo Wadamo badan oo ku yaala Qaaradaha Afrika iyo Asia.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved