Madaxweynaha dalka Iran Maxamuud Axmedinajad ayaa sheegay inuu doonayo inuu noqdo ci-mareen (astronaut).

Tuesday 5 February 20130 comments



Axmedinajad ayaa sheegay inuu naftiisa diyaar u yahay inuu ku biimeeyo inuu noqdo cirmareenkii ugu horeeyey ee Iran hawada sare u dirto.
Axmedinajhad ayaa warkan soo daayey  kadib markii todobaadkii tagay Dowlada Iran shaacisay inay ku guuleysteen inay hawada sare u diraan Daanyeer, isla markaana si nabad ah dib ugu soo noqday dhulka.
Daanyeerkaasi oo lagu magacaabo (Pishgam) ayaa la sheegay inuu hawada sare gaaray in ka badan 120km oo hawada sare ah. Dowlada Iran ayaa sanadkii 2010 bilowday inay hawada u dirto xawayaan kala gedisan si ay u xaqiijiso awooda ay u leedahay in hawada ay mustaqbalka u dirto dad.
Axmedinajad ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu noqdo qofkii ugu horeeyey oo tijaabiya in cirka loo diro, isagoo si weyn u dhiiri gelinaya barnaamijka cilmi baarista hawada sare ee dalkaasi Iran.
Wadanka Iran ayaa rajeenaya muddo shan sano illaa iyo lix sano gudaheed ah ay hawada ugu diraan cirmareenkii ugu horeeyey oo ka socda dowlada Iran.
Walow uu horey u jiray nin Iraani ah oo hawada sare duulimaad ku sameeyey, ninkaasi oo ah maalqabeenka Anousheh Ansari oo ah nin leh shirkado isgaarsiin ayaa ahaa Iraanigii ugu horeeyey oo hawada loo diro sanadkii 2006, wuxuuna safarkaasi ku bixiyey 20 milyan oo dollaar.
Balse Iran ayaa dooneysa xiligan inay iyadu yeelato cilmiga iyo awooda cirka iyo hawada sare ugu diri karto dadka taasi oo wax weyn ka bedali karta awooda teknoolijiyada dalkaasi.
Wadamada Reer galbeedka ayaa si weyn uga walaacsan barnaamijka Iran oo ay sheegeen inuu qeyb ka yahay barnaamijkeeda qarsoodiga ah ee sameynta hubka Nukliyerka ah.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved