Dowladda Federaalka oo maamul kumeelgaar ah u samaysey gobolka Baay

Tuesday 5 February 20130 comments





Wareegto ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uuna ku saxiixan yahay sii hayaha xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Afhayeenka Baarlamaanka Prof.Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maamul loogu magacaabey gobolka Baay iyo magaalada Baydhabo, maamulka ayaa ah mid kumeel gaar ah oo shqeynaya muddo 6 bilood ah.
Isla wareegtada uu ku saxiixan yahay Prof.Jawaari ayaa xilka looga qaadey guddoomiyihii gobolka Baay Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey.
Wareegtada ayaa lagu magacaabey Cabdi Adam Hoosow in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Baay, Kuxigeenkiisa ahna madaxa maaliyadda ayaa loo magacaabey Mustafe Ibrahim Cali, halka Guddoomiye kuxigeenka labaad ahna madaxa arrimaha bulshada loo magacaabey Ibraahim Xuseen Xasan.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa guddoomiyeheeda isla wareegtada lagu magacaabey waxaana Guddoomiye looga dhigey Xasan Macalin Axmed, Guddoomiye kuxigeena uu noqonaayo Cabdulqaadir Shiikh Cali.
Arrimaha maamul u samaynta Gobolada al-Shabaab laga saarey waxaa ka taagnaa muran, Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo haysata sharciyadda dowladnimo ayaa sheegaysa in dhismaha maamul goboleed ay ka horeeya in maamulada midoobaya in la dhiso taasna ay iyadu xaq u leedahay maadaama dastuurku shardi ka horeeya dhismaha maamul goboleedyada uu ku xirey kaas oo ah laba gobol iyo ka badan, markii ay dhisto mamulada Goboladu ay xaq u leeyihiin markaas in ay wada hadli karaan oo ku heshiin karaan maamul ay wada dhistaan oo ka mid noqda Federaalka Soomaaliya.
Cabdifataax Geeseey Guddoomiyaha xilka laga qaadey ayaa VOA u sheegay in aanu u hoggaansami doonin wareegtadan cusub, aniga dadka deegaanka ayaa Guddoomiye ii doortey waxaana i beddeli kara qof ay iyagu soo doorteen ayuu ku dooday.
Dhanka kale waxaa maamul samayntan ku soo beegmaysaa xili magaalada Baydhabo uu ka socdey shir loogu gogol xaarayo dhismaha maamul goboleed ay ku midoobaan 6 gobol sida la sheegay kaas oo la qaban doono bishan Feberaayo inkasta oo ay jiraan khilaafyo hareeyey qorshaha dhismaha maamulkaas.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved