War Deg Deg ah: Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Sunday 24 February 20130 comments


Daqiiqado kahor ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaal waqti kooban socday oo dhex maray ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya, kaas oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.



Inata la ogyahay haweeneey ayaa ku geeriyootay rasaas ay isweydaarsadeen ciidamada dagaalamay oo ay ku jiraan ciidamada nabad sugidda Soomaaliya, iyada oo lasoo warinayo in ay jiraan dhaawacyo aan ilaa iyo hada aan tiradooda la’ogeyn.



Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay bartamaha Suuqa gaar ahaan Dahablaha, Suuqa Sarifka iyo Xaaji Cali Dheere, waxaana lasheegayaa in haweenta ku dhimatay dagaalka ay Xarun Shoping-ka lagu iibiyo ay kulaheyd Suuqa Dahabka.



Lama sheegin qasaraha soo kala gaaray dhinacyadii diritu u dhexeysay iyada oo intii rasasatu socotay Suuqu uu isu bedelay goob colaadeed, waxaana goob joogayaashu sheegayaann in xaladu ay xiligaan degantahay oo dhaq dhaqaaaqii uu caadi kusoo laabtay.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved