Kenya oo lagu eedeeyay dagaalkii Kismaayo intii uu socday ay gaadiid dagaal si ula kac ah u marsiisay dhaawacyadii ciidamada dowlada Soomaaliya.

Saturday 23 February 20130 comments

Kenya oo lagu eedeeyay dagaalkii Kismaayo intii uu socday ay gaadiid dagaal si ula kac ah u marsiisay dhaawacyadii ciidamada dowlada Soomaaliya.



Waxgaradka Kasoo jeeda gobalada Jubooyinka iyo Gedo, ayaa waxa ay sheeegeen in dowlada Kenya ay dagaalkaasi qarxadiisa ay ka danbeysay markii uu bilaawdana ay ku dhaqantay waxyaabo anshax darra ah oo muujinaya in ay iyadu dagaalkaasi soo abaabushay.

Mid kamid ah oda dhaqameedaya ayaa waxa uu yiri, “Kenya ayaa dagaalka ka danbeysay. Dhaawacyadii Raaskanbooniyiinta waxa ay diyaarado ugu qaadeen Nairobi. Dhaawacyadii ciidamada dowlada Soomaaliyeedna gaadiidkooda dagaalka ayey dul marsiiyeen. Arintaasi wax loo dul qaadan karo maaha”.

Dagaalkii shalay oo sida uu ku bilaawaday ay kasoo baxayaan warar iskhilaafsan ayaa waxa uu galaaftay nolosha sagaal ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay, iyada oo ay socdaan waan waan lagu doonayo in arinta lagu qaboonjiyo.

Iska hor imaadkii Shalay waxa uu bilaawaday maalin lagu balansanaa in uu bilaawdo kulan loogu gogol xaarayay dhismaha maamul gobaleedka Jubaland, waxaana habeenkii xalay ahaa magaalada Gudeheeda lagu soo rogay Bandaw si amaankii faraha ka baxay dib loo soo celiyo.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved