Waligaa Ninkaada Maku Yiri Uma Qalantid Xaas ? Hadaad Sidaan Tahay.....Ugaar ah hablaha

Saturday 23 February 20130 comments


Shabakada arimaha qoyska Somaliyed ee hablaha.com ayaa gabaryaheey ku siineysa dhowr calamadood oo dhab ahaan kuu muujinaya in aadan xaas marnaba u qalmin .

*Haddii ninkaada uu soo galo guriga oo aadan ka tagin shaqo waliba oo  aad gacanta kula jirtay kana hortagin si aad ugu  qaabisho dhoola cadeynta hadaba xaas ahaan uguma qalantid , haddii ninkaada uusan guriga ka heleyn qof  iloowsiisa daalka shaqada hadaba maxay tahay faa`idada ku jirta in aad xaas ahaato .

* Haddii ninkaada uusan ka heleyn cunada aad gacantaada ku karisay oo banaanka ka soo cunteynayo , dharkiisana goobaha dharka lagu dhaqo  geeysanayo hadaba ogaaw xaas uma qalantid .

* Haddii ninkaada uu caroodo(Xanaaqo) oo aad kun eray ku sii cel celiso adiga oo codkaada dariska maqalsiinaya hadaba xaas uma qalantid Ogaaw ninkaada waxa uu ku soo daalay cadaadiska nolosha iyo hunguri raadintiina  mararka qaar neerfooso ayuu noqon karaa waxa uuna doonaya haweeney dajisa mar waliba .

* Haddii ninkaada aad guriga meel ka wada faristaan halka jirkaada uu soo  buuqayo (shiirayo) ama dharkaada loo adkeysan karin  hadaba xaas uma qalantid , waxaa haboon in haweeneyda  ku jirto muuqaal kan ugu qurxoon marka ninkeeda ay la joogto .

* haddii waqtiga salaada la gaaro oo aad ninkaada u kicin salaadda kulana talin in wax yaabaha xaaraanta ka fogaado iyana waxa ay muujineysa in aadan xaas u qalmin .

* Hadaadan  ihtimaam iyo dareen aadan siin ninkaada marka uu kula hadlayo oo aad kaga mashquusho PC-ga  ama Tv-ga halka ninkaada arin muhiim ah kuu hayo iyana waa arin kale oo xaas uma qalantid , waxaa haboon in haweeneyda dareenkeeda dhan isugu geyso dhageysiga ninkeeda  marka uu la hadlayo .



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved