QM oo Fannaan Soomaali ah u xushay Heesta Maalinta Haweenka Adduunka

Sunday 24 February 20130 comments


faIn ka badan 20-Fannaan oo ka kala yimid Caalamka ayaa QM kala qeyb galaaya Dadaalka loogu jiro Dabaal daga Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka oo sanad kastaba la xuso Bisha March 8-deeda.


Fannaan Soomaali ah oo haysta dhalshadda Dalka Britin laguna magacaabo Farxaan Xassan, ayaa loo xulay inuu ku luqeeyo heesta sanadka ee Haweenka Caalamka.


Heesta Fannaankaasi uu qaadayo oo lagu Magacaabo: Hal haween (One Woman), ayaa waxaa Alifay Graham Lyle oo ka soo jeeda Gobolka Scotland ee Dalka Britain.


Fannaanka Soomaaliyeed waxaa Heestaasi la qaadaya ama la jiibinaayo Fannaaniin u kala dhalay Dalalka Benin, Mali, China, Brazil iyo Philipines.



Shirkaadda Microsoft ayaa loo xil-saaray soo-saarista Heestan si looga dhigo Hees maqal iyo muuqaal ahaan loo daawan karo, iyadoo Qarashka ka soo baxa si toos ah loogu shubaayo Barnaamijka QM ee lagu taageeray Haweenka Caalamka.




Heestan waxaa lagu soo bandhigay Webseedka Haweenka ee QM (UN Women’s Website). 


_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved