Waligaa Dalxiis ma u aadi lahayd goobaha dagaalka iyo Musiibooyinka?

Monday 11 February 20130 comments


Andy Drury oo ah 47 sano jir iyo Nigel Green oo ah 50 sano jir waa laba nin oo ilmo adeer ah unna dhashay dalka Ingiriiska, raggan waxay sheegeen inay aad u xiiseeyaan taariikhda iyo dagaalada, isla markaana sanad walba 3 jeer safaro ku tagaan goobaha ugu khatarsan adduunka ee dagaalada ka socdaan.
Raggan ayaa horey dalxiis ugu tagay dalalka ay kamid yihiin Afghaanistaan, Chechniya, North Korea iyo Sudan.
Balse waxay sheegeen in safaradoodii ugu xiisaha badnaa ay ku tageen magaalada Muqdisho bishii December ee sanadkii tagay, iyagoo sheegay inay Muqdisho joogeen muddo 48 saac ah isla markaan booqdeen goobo kamid ah meeshii diyaarada Maraykanka looga soo riday 1993dii iyo waliba xeebta Liido.
Andy iyo Nigel ayaa sheegay inay kireysteen ciidamo ilaaliya inta ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, iyagoo gacan ka helay nin horey ugu shaqeyn jiray ciidamada Ingiriiska ee SAS oo hada dhanka amniga ka caawiya Saxaafada reer galbeedka ah iyo waliba dadka kale ee booqashada doonaya inay ku tagaan magaalada Muqdisho.
Waxay sheegeen inay 10 daqiiqo ay ku sugnaayeen Liido, kadibna ka tageen isla markaana goobihii kale oo ay booqdeen ay kamid ahayd hotelkii Olymbik oo ah goobtii uu ka dhacay dagaalkii dhexmaray ciidamada Maraykanka iyo Gen.Caydiid sanadkii 1993.
Waxay sidoo kale ka cunteeyeen makhaayad ku taal magaalada Muqdisho Nigel Green ayaa sheegay inuu halkaasi kasoo cunay hilibka Geela.
Labadan nin oo sheegay inay aad u jecel yihiin inay booqdaan goobaha dagaalka ayaa illaa iyo hada ku bixiyey lacag ku dhow 300 kun dollar safarada ay illaa iyo hada ku tageen wadamada ay dagaalada iyo musiibooyinka ay ka dhaceen.







______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved