Ciidamo badan oo laga soo direy magaalada Garowe oo ku wajahan Bosaso

Monday 11 February 20130 comments



Waxaa maanta (Isniin) gaarey duleedka magaalada Bosaso ciidamo badan oo laga soo direy magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland. Ciidamadan ayaa watey 18 gaari oo isugu jire booyado, gawaarida gar-gaarka deg-deg ah, kuwa qoryuhu ku rakiban yihiin iyo kuwa ciidamado lagu qaado.
Ueejdada ciidankan ayaa la sheegayaa in ay tahay in ay fuliyaan amarkii dhawaan ka soo baxay Puntland ee ahaa in la soo qabto siyaasiyiin hore ee ku sugan magaalada Bosaso, iyo ilaalo ay haystaan oo u dhisan qaab beeleed, kuwaas oo ay Puntland ku mashquulsaneyd weerar ka dhan ah in ay ku qaadaan xaafadda ay guryaha ku leeyihiin ee Laanta Hawada.
Ciidamada maanta gaarey yimid duleedka koonfureed ee magaalada Bosaso, ayaa la sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad 300 oo askeri waxaa ciidan sax ah ka ah 70 askeri oo kamid ahaa kuwii lagu soo tababaray dalka Uganda ee ciidanka Federaalka tababarka la soo qaatey, halka inta kale oo dhan ay yihiin Malayshiyaad dhawaan lagu qorey magaalada Garowe.
Dadka magaalada ayaa wel-wel xoogan ka muujiyey imaanshaha ciidankan, kuwaas oo qaba amar ah in ay weerar ka fuliyaan magaalada Bosaso dhexdeeda, waxaana dadku is weydinayaa xabadda ay Bosaso ka dhexbilaabaan ciidamada dowladdu amarka soo siisey sida loo xakamayn doono ama ay u istaagi doonto. Waxaa magaalada ka bilowdey shirar gooni gooni ah oo ay leeyihiin ganacsatada iyo waxgaradka si magaalada looga baajiyo weerarka maamulka Puntland iclaamiyey in ay ku soo qabanayaan siyaasiyiin xilal sare ka qabtey maamulka Puntland isla amrkaana haysta ilaalo ay naftooda ku ilaaliyaan, kuwaas oo hadda mucaarad ku ah xukuumadda jirta una arka mid xilka kororsatey oo qaab sharci darro ah  dalka ku haysta.
Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa digniin iyo hanbaad soosaarey isla markaana sheegay in ay dhamaatey xiligii la wada joogi lahaa tallaabona laga qaadayo dadka ka soo horjeeda.
Hablaha Media NetWork

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved